XOG XASAASI: Maxaa ka ogtahay in Al-Shabaab ay Dowlad kale ka dhex sameysteen Somaliya? + (Maxa cusub)!

Muqdisho (Halqaran.com) – Markan kama hadleyno falalka ay geystaan ama sida ay u dhacaan, si kale hadaan u dhigno, qaabka loo qorsheeyo, waxaanse eegaynaa halka ay ka timaado lacagta lagu maalgeliyo howlgaladdaas.

Al-Shabaab, joogitaan muuqda kuma lahan Muqdisho, haddana waxay sanad walba ka sameeyaan malaayiin dollar, iyaga oo maraya hal nidaam aad loo abaabulay inkasta oo cabsi gelin ay daaha gedaashiisa ku jirto.

Maleyshiyaadkan argagixisada ah ayaa caasimada laga saarey 2011-kii kadib guluf balaaran oo ay qaadeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika.

Sanado kahor aad ayey u yareyd in ay dhaqaalo hesho markii ay dowladdu mamnuucday ka ganacsiga dhuxusha oo il-dakhli u ahaa, wallow ay wali sii socoto dhoofinta dhuxusha oo meelo kala duwan laga qaado.

Haatan, lacagaha uu ururkan ku maal-geliyo falalka ay rayidka ku naf-waayaan, inta badan, sida ku iibsashada hubka iyo saanadda, ayaa ka timaada ganacsada caasimadda oo 99% ay ka dhacaan weerarada.

Tusaale ahaan, warbixin sanadkii 2018 kasoo baxday Monitor Group ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay meelo kamid yihiin Muqdisho, Hiiraan, Shabellaha Dhexe, Baay iyo Bakool ay uga soo xarootay 20-milyan oo Doollar.

Wax u muuqda “dowlad kale” oo ay Al-Shabaab ka sameysatay Soomaaliya gaar ahaan magaala madaxda ayaa uruuriya lacagahaasi, taasi oo ah shabakad balaaran oo waaxyo/qaybo kala duwan leh.

Macluumaadyo sirdoon oo la helay ayaa daaha ka rogaya in meelaha uu dakhligu kaga soo xaroodo laguna uruuriyo ay kamid tahay dekadda Muqdisho, iyagoo u kala qeybiyay wax ay ula baxeen Zako iyo Maaliyadda [canshuur].

Cabdi Abshir Dhoore, waa Agaasimaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya, isaga oo qiraya in Al-Shabaab ay dakhli badan ka hesho Xamar, wuxuu ku adkeystay in ay u baahan tahay in loo diro baaris dheeri ah arrinta bartamaha marsadda.

“In ay gudaha dekadda canshuur ka qaataan waa dhawaq cusub, laakiin lama xaqiijin karo. Balse, waa xaqiiqo in ay helaan xogta alaabta kusoo degtay, waqtiga iyo inta konteenar ee ay yihiin,” ayuu yiri Dhoore.

Xogo lagu kalsoonaan karo ayaa tibaaxaya in Al-Shabaab ay konteenarka 20-ka feet ah ka qaado $100; kan 40-ka feet ahna ku canshuurto $160; alaabta caadiga ahna ay halkii tan ka hesho aduun lacageed ahna 20 Doollar.

“Marka kan deriskaagii ah ku yiraahdo haddaan ka imid, adigana dhagahaaga waxaa u sahlanaaneysa in aad amarka qaadato, maxaa yeelay naf iyo maalba cid kaa celinayso malahan, dhamaan ganacsatada gobolka Banaadir qofaan tegin malahan,” ayuu yiri ganacsade codsaday in aan magaciisa la baahin.

Warbixinadda ayaa intaasi ku daraya in ilaha dhaqaale ee kooxda soo kordhisay ay kamid yihiin lacago baad ah oo ay ka qado Gaadiidka dadweynaha ee isaga kala gosha Muqdisho iyo gobolada, kuwa xamuulka ee dekadda iyo Iibka guryaha.

Barnaamijka Bandhiga ee laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in kadib shir ka dhacay duleedka degmada Dayniile ay gadiidleyda kula soo heshiiyeen Al-Shabaab in ay siiyaan bil walba 500 illaa iyo 100 Doolar.

Monitor Group ayaa intaasi raacineysa in lacagaha laga qaado gaadiidka iyo guraha ay ku kala badan yihiin hadba sida ay u kala weyn yihiin; tusaale ahaan gaadiidka Hoomeyda [Caasiga] waxay bixiyaan 200 oo Doollar, bil kasta.

“Canshuurta ay qaado Wasaaradda Maaliyadda uma xarooto, waxaana suurtogal ah in aad ka dhuumato, laakiin tan Al-Shabaab kama dhuuman kartid, waxaana suurtogal ah in ay kusoo wacaan oo ay kuu sheegaan qiimaha aad ku iibsatay iyo bangiga laguugu shubay,” ayuu xusay.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyey in ganacsatada ay tagaan degaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi ay qalinka kusoo jeedan heshiiska ay lacagta ku dhiibayaan.

Gaadiidka geynaya tuuladaasi oo ka kala baxa gudaha iyo duleedka magaaladda ayaa ah mid uu ganacsade si gaar ah u kireysanayo, isaga oo bixinaya 100 Doolar, kadibna degaya qol yar oo afar dollar ah habeenkii.

“Dadkan [AlShabaab] looma soo waxyoodo, dad baa la shaqeeya,” ayuu ku daray ganacsadaha, oo raaciyey “Tusaale ahaan, canshuurta iibka ama dhismaha guryaha ka qaadan waxaan u sheegaya Injineerka dhulka cabiraya iyo Nootaayooyinka oo ay xogta ugu badan kasoo helaan”.

Shaqsiyaad iyagu bixiyey canshuurta ayaa dusiyey in Shabaabku guri walba oo la iibsanayo ama la dhisayo ay ku leeyihiin qoondo gaareysa 5%.

“Darawalka gaariga wada iyo ninka la shaqeeya ayaaba ku oranaya soo diyaari maanafeestada alaabta saaran gaariga, maxaa yeelay waa ayba sii fududeynayaa si aanan loo xayirin oo aanan rarka lasoo dejin kadibna dib loo tirin, kadibna ay Shabaabku u raadsadaan ninka iska leh ugana qaatan lacagta ay ka rabaan,” ayuu hadalkiisu daba dhigay.

Sida la ogyahay kaliya, wakiilada shirkadaha maraakiibta, shirkadaha dejinaya alaabta iyo maamulka dekadda, ay heli karaan maanafeestada ama qoraalka muujinaya waxa markabka saaran.

Ganacsatada ayaa marka ay tagaan Mubaarak waxaa la geynayaa qol ay ku jiraan afar ruux kuwaasi oo haysta Labtop kadibna waydiinaya badeecadihiisa, iyaga oo isku dayeya in ay cabsi geliyaan si uu u sheego hantidiisa.

Inkasto oo arrimo kale ay jiri karan, haddana waxaa la aaminsan yahay in sababta keentay in ganacsatadu lacag siiso urur Al-Shabaab oo kale ah, ayaa ah dowladda oo aanan damaanad qaadi karin badqabkooda.

Korneyl Cabdullaahi Cali Macow, oo kamid ah saraakiisha ciidamadda Soomaaliya kana faalooda arrimaha ammaanka ayaa soo bandhigay waxyeebaha Al-Shabaab u sahlaya in ay dakhli ka sameyso Muqdisho.

“Waxaa jira waxyaabo aanan aad looga feejignaan oo ah dhalinyaradda kasoo baxsada AlShabaab oo la sheegay in dhaqan-celin loo sameeyay kadib magaaladda lagu soo daayey, kuwaasi ayey howlgelinayaa kadibna bilaabaya in ay hadaad iyo ganacsatada cagajugleeyaan ama ay fuliyaan dilalka qorsheysan una uruuriyaan Shabaabka dhaqaalaha ay kolba AlShabaab u baahan tahay, waxaana sidoo kale sababay habac-sanaanta sirdoonka,” ayuu xusay.

Xigasho – GaroweOnline

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *