DHAGEYSO: Kala carar iyo Boobkii ugu xumaa oo ka socda Koonfur Afrika & Soomaalida oo wadnaha farta ku haya

0
Boobka goobaha ganacsiga ee Koonfur Afrika / Sawir hore, Google

K/Afrika (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya, in Soomaalida ku nool magaalooyinka Koonfur Afrika ay soo food saartay xaalad cabsi ah xili qaybo ka mid ah waddankaasi ay ka socdaan rabshado iyo boob lagu beegsanayo xarumaha ganacsatada ajaaniibta ah.

Booliska ayaa xaqiijiyey in qulqulatooyinkaasi oo salka ku haya naceybka soo galootiga lagu dilay illaa iyo shan ruux, kuwa kalena lagu dhaawacay, isla markaana ay u soo qabqabteen ku dhowaad 50 qof.

Dowladda dalka Koonfur Afrika oo ajaaniinta ka codsatay in ay is dejiyaan ayaa sheegtay in ay ku dadaaleyso sidii ay wax uga qaban lahayd rabshadaha oo saacadba saacada kasii dambeysa kusii baahaya magaalooyin kale.

Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi ayaa muwaadiniinta oo isugu jira arday, ganacsato iyo qaxooti waxay ugu baaqday in ay baaqi ku ahaadaan goobaha ay ku sugan yihiin, isla markaana ay muujiyaan feejignaan dheeri ah.

Waddanka Koonfur Afrika ayaa waxa uu caan ku yahay beegsiga ajaaniibta, iyadda oo muwaadniinta u dhalatay wadankaasi ay ku doodayaan in dadka muhaarijiinta ahi ay qabteen shaqooyinkooda.

Xafiiska Halqaran.com, Nairobi
Halqarannews@gmail.com  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here