Baydhabo (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed, halkaasi oo si wayn loogu diyaar garoobay soo dhaweyntiisa.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu hoggaaminayo ayaa ka soo kicitimay Gobolka Galgaduud oo muddooyinkii dambe uu ku sugnaa, waxaana Sabtidii maanta gaaray Baydhabo.
Boqolaal shacab ah iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay, iyadoo dadkaasi ay wateen Sawirka Ra’iisul Wasaaraha.
→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
- XASAASI + DHAGEYSO: Somaliland oo u hanjabtay Puntland, jawaab adagna ka bixisay eedeyntii loo jeedayay (Maxaa soo kordhay?)
- DEG DEG + DAAWO MUUQAAL: Wafdigii Beesha Garxajis oo Hargeysa ku soo noqday, War cusubna ka sheegay arrinta Korneyl Caarre iyo dagaalkii Sanaag.
- XOG LA OGAADAY: Maxaa ka jira in Axmed Madoobe uu mowqif adag ka qaatay in uu telefoon kula hadlo Farmaajo?! (Maxaa Cusub?)
- XOG CUSUB: Madaxweynaha Kenya oo sheegay inay dowladiisa ku fashilantay kiiska dacwadda badda!
RW Khayre ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu ku sugnaan doono Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Wuxuuna Garoonka Dr. Ayuub ee Magaalada Baydhabo kula hadli doono shacabka magaaladaasi ku nool oo Khudbad uu u jeedin doono.
Waxaa si aad ah loo adkeeyay ammaanka magaalada Baydhabo, sababo ku aadan tagitaanka magaaladaasi ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com