Maxay Beesha Caalamka ka tiri Shirka dib u heshiisiinta beelaha Galmudug? (Akhri War-saxaafadeed)

Muqdisho (Halqaran.com) – War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen xafiiska Qaramada Midooby ee Soomaaliya iyo dalalka saaxiibada dhow la ah Soomaaliya ayaa lagu soo dhoweeyay shirka dib u heshiisiinta ah ee dhowaan ka furmay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub, Jarmalka, urur goboleedka IGAD, Talyaaniga, Iswiidhan, Ingiriiska, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Dowladda Mareykamka ayaa si wadajir u soo dhoweeyay shirka dib u heshiisiinta Galmudug waxa ayna hoosta ka wada xariiqeen muhiimadda ay u leedahay dib u heshiisiin loo dhan yahay doorashada la filayo in ay dhowaan ka dhacdo Galmudug.

”Wax aan soo dhoweyneynaa dadaalka la galiyay in la isu keeno dhammaan dhinacyada uu quseeyo shirka dib u heshiisiinta Galmudug, waxa aan sidoo kale amaaneynaa dadaalka Ra’iisul wasaaraha, maamulka Galmudug iyo odayaasha dhaqankaba galiyeen in la isu keeno qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug”, ayaa lagu yiri war-saxaadadeedka.

Daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya ayaa war-saxaafadeedkoodan ku sheegay in ay rajeeynayaan in shirkan dib u heshiisiineed uu asaas u noqon doono dhismaha Galmudug mideysan oo loo dhan yahay.

Ugu dambeyn, Shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayaa maalin ka hor ka furmay magaalada Dhuusamareeb iyada oo ay furitaanka shirka ka qeyb galeen masuuliyiin sarsare oo uu kamid ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here