UPDATE: Askarta Ilaalada u ah RW Kheyre oo galabta ku dishay Baydhabo Wiil dhallinyaro caanka ah magaalada

0
Waa Marxuum Maxamed Aadan Deewow oo ay galabta ku dileen Baydhabo askarta ilaalada u ah RW Kheyre/ Facebook

Baydhabo (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in Axaddii galabta halkaasi lagu dilay mid ka mid ah dhallinyarada caanka ka ah magaaladaasi.

Marxuumkan oo lagu magacaabi jiray, Maxamed Aadan Deerow ayaa waxaa dilay askari ka tirsan ilaallada khaaska ah ee ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, wuxuuna dilkani ka dhacay xaafadda Berdaale.

Dilka marxuumkan ayaa dhacay xilli uu Ra’iisul Wasaare Kheyre ku sii jeeday dhagaxdhiga garoonka kubadda cagta ee Dr Ayuub Stadium ee magaalada Baydhabo.

Askarigan dilka gaystay ayaa waxaa la sheegay in uu ka shakiyay Marxuumka, oo xilligaa la socday gaari nooca raaxada, kaasoo ay ku xirnaayeen maraayadaha madow ee beensalka loo yaqaano.

Wararka ayaa intaas ku daraya in rasaas uu askariga ku furay gaariga ay haleeshay wadihii gaariga, iyadoo ugu dambeyna uu u geeriyooday dhaawac halis ah oo ka soo gaaray rasaastaasi.

Booliska Koonfur Galbeed ayaa xabsiga u taxaabay Luul Aadan Isaaq oo gaariga la saarneyd marxuumka. Luul waa Guddoomiyaha Ururada Bulshada ee Koonfur Galbeed.

Maamulka Koonfur Galbeed iyo Saraakiisha Ciidamada ayaan weli ka hadlin tallaabada lagu dilay Maxamed Aadan Deerow, laguna xiray Luul Aadan Isaaq.

Dilka askariga ka tirsan ilaalada Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu u geystay qofkaas shacabka ah ayaa ku soo aadaya, xilli Sabtdii shalay magaalada Baydhabo ay iskugu soo baxeen dad ka soo horjeeda kana carreysan imaatinka Kheyre magaalada Baydhabo.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here