WAR CUSUB: Madaxweyne Farmaajo oo markii ugu horreysay ka qeybgalaya Shirka golaha Guud ee QM ee NewYork

0

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sanadkaan lagu wadaa in uu ka qaybgalo shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobay, kaas oo ka dhacaya Magaalada Newyork ee dalka Mareykanka.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta ee Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa xaqjiijiyay in Madaxweyne Farmaajo uu shirkaasi sanadkaan ka qayb galayo, xilli uu ka hadlay shir ay Baydhabo ku yeesheen Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wakiilada Beesha Caalamka.

Wasiir Jamaal waxa uu sheegay in shirkii Baydhabo loogu diyaar garoobayay shir ay yeelanayaan Soomaaliya iyo Wakiilada Beesha caalamka  dhawaan kaas ooo ka dhacaya Magaalada Muqdisho horaanta Bisha soo socota iyo Shirka Guud ee Qaramada Midoobay ee Magaalada Newyork.

”Waxaa soo socda Shirkii la isugu imaanaayay ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka Xamar Bisha dambe bilowgeeda, diyaargarowga Shirka iyo Is xogwareysi ayaa laga hadlaayay, Shirka Qaramada Midoobay ayuu Madaxweynaha aadi doonaa, waxaana rajeynayaa inay wax fiican ay ka soo baxaan.” Ayuu yiri Wasiir Jamaal.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobay aanan ka qeyb-gelin labadii sano ee la soo dhaafay sababo la xiriiray isaga oo haystay dhalashada dalka Mareykanka, hayeeshee uu ka tanaasulay iskana wareejiyay 1-dii Bishii  August ee sanadkan.

Si kastaba, labadii shir ee la soo dhaafay ee ka dhacay Magaalada Newyork ee dalka Mareykanka ee kala qabsoomay 2017 iyo 2018 ayaa waxaa ka qayb-galay oo Madaxweyne Farmaao Wakiilo ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre & Wasiirka Arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here