Wararka Maanta

XOG XASAASI: Puntland oo shaacisay inay qabatay xubo ka tirsan Al-Shabaab oo xiriir la leh Somaliland. (Maxa Cusub)?

Sareeye Gaas Yaasiin Cumar Dheere

Garoowe (Halqaran.com) – Taliyaha ciidamada Daraawiishta ee  dowlad goboleedka Puntland, Sareeye Gaas Yaasiin Cumar Dheere oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada maamulkaasi ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, islamarkaana xiriir la leh Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha ayaa xusay in xubnaha la qabtay ay qirteen inay yihiin Al-Shabaab, islamarkaana ay is-baheysi la yihiin Somaliland, Wuxuuna  tilmaamay in xubnahani lagu qabtay agab iyo dhaqaale laga keenay Somaliland, una wadeen buuraha Galgala oo ay ku xooggan yihiin Al-Shabaab.

Dhinaca kale, ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Somaliland oo ku aadan raggaasi ay qabteen ciidamada Puntland.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Waxay aheyd, dhawaan markii Puntland shaacisay in ciidanka Somaliland iyo Al-Shabaab oo wada socda ay duulaan ku yihiin gobolka Sanaag, iyadoona arrintaasi ay si kulul uga Jawaabtay Somaliland oo sheegtay inaanu Jirin Xiriir kala dhexeeya Kooxaha Xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Si kastaba, Puntland iyo Somaliland ayaa ku muransan gacan ku haynta Gobollada Sool iyo Sanaag, waxaana jira eedaymo kala duwan oo ay Warbaahinta isku Mariyaan.

Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com

One Comment

  1. Shabaab waa la yaqaan meesha laga soo diro, waxase fiican in ciidanka amar la siiyo in ay laayaanmarkey qabtaan, sababtoo ah ,nin adiga in uu kudilo u yimi maxaad u xiraneysaa, muxuuroodhiga Xabsiga ugu cunayaa? waa yaab. sidaa hadii la yeelo dib looma arkeen walee.

    Reply

Post Comment