Wararka Maanta

XOG XASAASI: Xildhibaannada Mucaaradka iyo Ahlu Sunna oo isku-baheystay qorshe halis ku noqon kara DF Somaliya!

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya, in 24-kii saac ugu dambeeyay kulamo is-daba joog ah uga socday xildhibaannada mucaaradka ku ah dowladda federaalka ah Soomaaliya ee ku sugan magaaldaasi iyo hoggaanka sare ee Ahlu Sunna, sida Macallin Maxamuud iyo Sheekh Maxamed Shaakir.

Ilo xog ogaal ah oo lagu kalsoon yahay ayaa mareegta Halqaran.com u sheegay, in kulamadaas looga arinsanayay sidii dowladda federaalka looga wareejin lahaa maamulidda shirka dib u heshiisiinta beelaha Galmudug, oo ka socda xarunta loo asteeyay ee Shiirkole oo haatan ay ku shirsanyihiin ergo mataleysa dhammaan beelaha Galmudug,

Ahlu Sunna iyo xildhibaanada mucaaradka ah ayaa doonaya in arrimaha dib u heshiisiinta loo madax baneeyo odayaasha dhaqanka ee kasoo kala jeeda beelaha ku mideysan maamulka Galmudug.

Xildhibaanada la kulansan hoggaamiyaasha Ahlu Sunna ayaa kala ah, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka sare Senetor Abshir Bukhaari, Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, Senetor Cabdi Qeydiid, Xildhibaan Mahad Salaad, iyo xubno kale oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya

Wararka hoose oo ay helayso Halqaran.com, ayaa intaasi ku daraya in xildhibaanada mucaaradka ah ee ku sugan Dhuusamareeb  ay qorsheynayaan hadii ay ku guul dareystaan in odayaasha dhaqanka loo madax baneeyo  shirka dib u heshiisiinta inay sameeyaan guddi iskugu jira xildhibaanada iyo ergada shirka, kuwaas oo ay doonayaan inay wadaan geedi socodka shirka.

Ilaa iyo hadda lama saadaalin karo saameynta uu shirka ka socda magaalada Dhuusamareeb ku yeela karo go’aanka xildhibaanada mucaaradka ah iyo hoggaanka Ahlu Sunna ee ah in Xukuumadda Federaalku ay arimaha shirkaas u madax baneyso odayaasha dhaqanka.

DF Soomaaliya oo iyadu iminka gacanta ku heysa shirka dib u heshiisiinta ayaa doonaysa in lagu soo gabagabeeyo muddo Shan maalmood ah, sida uu horay uga dhawaajiyay Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya, halka Ahlu Sunna iyo xildhibaanaduna ay doonayaan in shirkaas la siiyo fursad ay isku saamixi karaan beelaha Galmudug, kuwooda wax kala tirsanaya.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

Post Comment