Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa heshiis cusub oo dhinaca horumarinta ah la saxiixday dowladda Ingiriiska, kadib markii ay dhowaan Somaliland ka hortimid mashuruuc loogu magac daray marxuum Injineer yariisow, kaas oo laga fulinayo magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera.
Heshiiskan ayaa waxaa dowladda UK u qalinka ugu duugay madaxa hay’adda DFID, Mr. Damon Bristow.
War ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu faah faahiyey waxyaabaha uu la xariiro heshiiskaasi.
→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
- XOG XASAASI + DAWO MUUQAAL: Ogow Sababta keentay in Somaliland ay Shidaal soo degsato? & Wiilka madaxweynaha kaliye oo Shidaalka la soo dagi karo!
- DAAWO VIDEO: Sida uu Madaxweyne Muuse Biixi uga farxiyay Ciidamada Milateriga Somaliland! (Maxa Cusub)
- Maxaa ka soo baxay Kulankii madaxa Galmudug uu la yeesheen Xildhibaano mucaarad ku ah DF Somaliya?!
- DAAWO SAWIRRO: RW Kheyre oo shacabka reer Xudur kula hadlay Garoonka Dr Waaberi, (Muxuu u sheegay?)
- UPDATE: DF Somaliya oo war deg-deg ah ka soo saartay dayactirka Stadium Muqdisho ee la sheegay inay hakiyeen Al-Shabaab!
Qaraalka ayaa lagu sheegay in heshiiska wajigiisa labaad ee kaalmada Britain ay kaga qayb qaadaneyso sanduuqa hormarinta Somaliland iyo sidoo kale kobcinta kheyraadka Tamarta ee maamulkaasi.
Heshiiskani ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu xafiiskiisa kula kulmay safiirka UK ee Soomaaliya, Ben Fender.
Labada ma’suul ayaa ka wada hadlay arrimo la xariira wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland
Xafiiska Hal qaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com