Wararka Maanta

Sababta ay DF Somaliya u qaadan la’dahay saddexdan tallaabo oo ay ku ciqaabi karto Kenya!

Muddo sanad badan ficillada iyo hadallada ka imaanayay Kenya ee Soomaaliya iyo madaxdeeda quseesayay waxay ahaayeen kuwo dhiillo iyo colaad xambaarsan. Waxay Kenya u dhaqmaysay sidii kuray xoog badan oo mid uu ka adag yahay kolba dhinac u jiiray si uu falceliyo isna feer ugu boobo.

Cayrinti safiirka Soomaaliya, diyaraadihi maridda Wajeer lagu qasbay, madaxdii lagu bahdilay garoonka Joomo Kenyatta iyo soo dhawaynti maamul goboleedyada iyo maqaamki ay siisay Soomaaliland iyo kaba darane doorashadii Jubbaland oo ay ka dhigtay Kenya mid ka dhacayday dagmo Nayroobi hoos tagto waxay dadkeenna ku abuureen ciil iyo caro. Waxaan jeclaysannay inay dowladdeennu mar un bixiso jawaab kulul oo Kenya ka nixiso.

Waxaan jamannay inaan aragno madaxweynaha oo dagaal Kenya ka dhan ku dhawaaqay ama ugu yaraan ku hanjabay isdifaacid. Waxaan naawilnay isagoo qaadka mamnuuay, ciidamada Kenya dalka ka saaray ama xariirka oo dhan u jaray oo sidii ay safiirkeenna u cayrisay isna kooda u fiijiyay. Mase dhicin. Ma cabsibaa sida dadku qaar dhaheen? Ma badownimaa? Ma liidnaan iyo ducfi uu u dhashaa mise waa dibloomaasiyad heer sare ah iyo bisayl aynu gaarnay mise wax kaloo la xeerinayo ayaa jiro? Inta badan su’aalahaan waxaan kaga jawaabay qormadaan ee ku noqo.

Halkaan waxaan ku falanqayn doonaa kaliya saddexda su’aalood ee ugu soo noqnoqoshada badan (qaadka, ciidamada iyo xariirka oo la jaro). Anigu maahi afhayeenka dowladda iyo xubin ka tirsan oo arrimaheeda hoose og toona. Haddaan ku iraahdo xogo hoosaan hayaa been baan kuu sheegay. Waxaan hadlayo waa aragtidayda iyo khibradda kooban iyo aqoonta yare e aan u leeyahay arrimaha taagan oo aan had iyo goor sida ii muuqato ka iraahdo. Barigii Imaaraat dalka laga cayrshay dadkeennu walwal badan iyo walbahaar cabsi la socoto ayaa galay. Qormo Ayaan barigaas idinla wadaagay aan ku qeexay inuusan Imaaraat waqtigaan waxba ka qaadi karin Soomaaliya, sidaan u sheegay inay dhacday iyo kale lifaaqa kore ku noqo oo go’aan ka gaar. Haddana waxaan is leeyahay qiyaas xaqa waafaqsan ayaad haysaa.

Qaadka

Qaadku waa gol jileeca Kenya ee sida dhaqsaha ah xanuun uga dareento. Beeralayda qaadka wax soo saarkoodu wuxuu ku dhisan yahay 90% suuqa Soomaaliya. Maalinti waxay Soomaaliya u dhoofiyaan qaad qiimihiisu gaarayo boqol milyan oo lacagta Kenya ah taasoo u dhiganta hal milyan oo doolar. Waxaa sidoo kale dhaqaale xooggan si dadban ooga helo dad milyan kor u dhaafay kuwaas ka shaqeeyo iibintiisa, dhoofintiisa, dillaalkiisa ama xamaalkiisa iyo xirxiriddiisa. Diyaaradaha qaado iyo canshuurta dowladda haddii lagu daro qaadku wuxuu noogu kacaa ugu yaraan hal bilyan sanadki. Sidaa darteed joojintiisu waa jug culus oo dhaawac xooggan gaysan karto dowladda Kenyana  si dhaqso ah u dareemi lahayd.

Hasa yeeshee joojintiisu dowladdu way ka baaqsatay iyadoon u danaynayn Kenya balse maslaxo kale eegtay. Kow, sida malaayiin Kenyan ah ugu tiirsan yihiin qaadka ayay kumannaan Soomaali ah ugu tiirsan yihiin. Ganacsatada qaadka keento waa Soomaali. Kuwo dillaalo,  kala iibsho iyo kuwo jumlada kusoo qaadaba waa soomaali. Gudaha dalka waxaa ku tiirsan dan yar u badan hooyooyin kaligood ilmo koriyo iyo dad aan lahayn cid kale oo caawiso. Joojintiisu sida Kenya u xanuujinayo ayuu dad badan oo Soomaaliyeed u xanuujin.

Muddadii asbuuca ahayd ee madexweyne Xasan uu hakiyay qaadka dadki ugu badnaa ee qayliyay waxay ahaayeen soomaalida ka ganacsan jirtay. Sidoo kale Feebaraayo 2017’ki marki dowladdu canshuurta qaadka ay kordhisay ganacsatadi soomaaliyeed ee qaadka keeni jirtay ayaa shaqo joojin  sameeyay ilaa ay dowladda ku qasbeen inay dhinto canshuurta. In la mamnuuco waxaa dalkeenna ooga faaiido badan in canshuur badan la saaro. Mar dowladda ayaa lacag fiican ka heli marna dadka cunayo ayaa yaraan lahaa oo iibsigiisa kari waayi lahaa. Mar haddii middii faaiida badnayd ay soomaalidu u dulqaadan wayday ma waxay u qaadan doonaan mid ka daran?

Waxaa raaco in dowladda oo joojiso qaadka Kenya uusan ku joogsan doonin. Dowladdu Xamar unbay ka mamnuuci kartaa qaadka. Sidii 2017’ki dhacdayba qaadka waxaa laga soo dajin gobollada dalka qaar ka mid ah. Xataa haddii ay dowladdu diyaaradaha ciqaabto waxaa lasoo marin dhulka. Wuxuu dalka imaan isagoo sidii hore ka qaalisan, ka khatar badan  kana dhib iyo mushkilad badan. Waxaa suuragal ah inuu ka dhasho kacdoon iyo rabshado dowladda gilgilo. Meelihii ugu horreeyay ee mucaaradka dowladdi Kacaanka xoojiyay waxaa ka mid ahaa qaadki ay xarrintay. Haddii middii awoodda badnayd ee dalkoo dhan xukuntay gacan laga baqana lahayd ay joojin wayday mucaarad iyo kacdoonna ka faaiidday maxaa loo fili karaa middaan taagta daran ee udubkeedu ul booco yahay?

Maadaama qaadku yahay hubka ugu culus ee dowladda soomaaliya ay isticmaali karto, waxaa siyaasad xumo ah inay ku billow kii ugu weynaa ee ay haystay. Waa inay jiraan wax lagaaga baqo oo la isleeyahay waxaas ayaa u dhimman. Haddii wixii ugu danbeeyay aad isticmaashay maxaa kuu haray oo aad ku hanjabi ama qalbi lagu hayn inaad isticmaali karto? Kenya waxa fashilay waxaa ugu weynaa diidmadii baasaboorka diblomaasiga ah ee Soomaalida waayo wuxuu ahaa hubka ugu culus ay soomaaliya u haysatay. Isagii haddiiba ay mar ridday maxaa dhimman oo dowladdu ka baridaa?

Ciidamada Kenya ee Soomaaliya joogo

Ciidan afar kun gaarayo ayaa Kenya soomaaliya ka joogo. Ciidankaan wuxuu sitaa magaca nabad ilaalin iyo diyrayska iyo calanka Midowga Afrika. Xaaladda uu ku joogo iyo qawaaniinta uu isticmaalo waxay ka dhigeen ciidan uu leeyahay Midowga Afrika. Midowga Afrika ciidankoodu, sida ay iyagu u arkaan, waa mid ka badax bannaan siyaasad iyo dano gaar ah oo dalal u dhaxeeyo. Waa ciidan waajibaadkiisa u guto si caddaalad iyo karaamo leh, ilaaliya sharciga dalka uu joogo iyo sharafta dadkiisa, ay u simanyihiin dalkiisa iyo kan uu shaqada u joogo kana amar qaato Midowga Afrika ee aan fulin doonidda dalkiisa.

Marki mowqofka midowga Afrika ee ku aaddan ciidama Kenya ee joogo Jubbaland sidaas yahay, Midowga Yurub oo dhaqaalahooda bixiyana la aragti yihiin, caydiisa, dhaliishiisa iyo weerarkiisu wuxuu ku dhacyaa Midowga Afrika. Macnaha dowladda Soomaaliya oo eedo usoo jeediso ciidamada Kenya waxay la mid tahay iyadoo eed usoo jeedisay Midowga Afrika. Taasi kama dhigna dowladdu ciidamada Kenya oo xadgudbayo kama hadli karto. way ka hadli kartaa dhaliili kartaa oo waliba dalka ka saari kartaa laakiin waxay u baahantahay caddayn la hubo oo mugdi iyo muran aan gali karin Midowga Afrikana dood la’aan uu ku qanco.

Ilaalinta karaamada ciidamada AMISOM oo  kuwo Kenya ku jiraan waxay dowladda ka dhigtay mid qaan gaar ah, taqaan marka eedda la jeediyo iyo goobta laga jeediyo iyo sababta loo jeediyo. Waxay caddaysay inaysan cadaawaad gaar ah u hayn ree Kenya ee arrimo kooban oo xal laga gaari karo la isku hayo. Tani dowladda soomaaliya waxay siisay taageero iyo kaaramayn ugu kaalmeeyay inay kaga guulaysato Kenya baratankii diblomaasiyadda dibadda. Tusaale usoo qaado inay taqaan goobta laga hadlo iyo goorta la hadlo maalintii la isla tagay Qaramida Midoobay ee Kenya doonaysay inay mariso sharci Soomaalida oo dhan argagixiso ka dhigi lahaa. Safriirka Soomaaliya si cilmiyaysan ayuu Kenya iyo ciidankeeda ugu dhammeeyay isagoo wax eed ah saarin Midowga Afrika. Dib u dhaqgayso khubaddii Amb Abuukar Baalle.

Asbuuci hore wuxuu joornaalka The Star ee Kenya kasoo baxo qoray in madaxweyne Uhuru uu ka niyad jabsan yahay wasiirkiisa arrimaha dibadda inuu shaqada ka qaadana qarka u saaran yahay. Arriamaha lagu eedayay waxaa ka mid ah inay ku fashilantay dumashada dalal kale. Arriamha guuldarradaas u keenay qaar ka mid ah ayuu joornaalku ku sheegay inay ku mashquushay sidii ay u karaama tiri lahayd Soomaaliya halki ay ku ekaan lahayd waxa la isku hayo isuna muujin lahayd mid aan waxba u qabin Soomaaliya balse doonayso xal u helid arrinta la isku hayo si nabad iyo walaaltinnimo loogu wada noolaado. Joornaalka ayaa soo xigtay diblamoosi u dhashay mid ka ah dalalka Kenya saaxiibka la ah kaasoo yiri “waxaan garan waynay waxa ay Kenya doonayso si aan u caawinno”.

Halkaas waxaa kaaga cad in dunida hadda la joogo ee ay yartahay cid ciidan iyo cudud wax ku maquunin karto ay u baahantahay diblomaasiyad wajiyadeeda muuqdo duman karaan saaxiibbo badan. Haddii Soomaaliya waqti galin lahayd sidii iin iyo ceeb ugu heli lahayd ciidamada Kenya dalka si dalka looga saaro, waxay kusoo dhici lahayd bannaan cidla ah waxayna u badnaan lahayd inay lumin lahayd taageerada Midowga Yurub iyo kan Afrika oo hadda xaggeeda maray.

Sidoo kale waxaa furan doorka baarlamaanka oo ah inay mooshan ka keeni karaa ciidamada Kenya si dalka looga saaro. Go’aannada baarlamaanku waa ka madax bannaan yihiin kuwa dowladda. Haddu baarlamaanku go’aamiyo in ciidamada la saaro, madaxweynaha waxaa u furan inuu saxiixo oo sidaas dalka looga saaro ama inuu ku gorgortamo oo suu rabo isagu loo yeelo si ciidamadu u sii joogaan.

Xariirka oo loo jaro 

Xiriir dal loo jaro waxay la mid tahay bilcaan la furay. Waa meesha ugu danbayso ee dagaal. Waan yaan la isku soo noqon. Haddii la isku noqdana baxdinti soo baxday bogsan mayso oo waxaa lagu wada noolaan tuhun iyi utuno la isu hayo. Xaal halkaas inuu gaaro soomaalida dan uma aha sababahaan owgood. Kenya waa dal aan daris nahay dhul ballaaranna naga haysto. Dhulka uu naga haysto waxaa ku nool malaayiin Soomaali ah oo xariir dhow oo dhalasho la leh Soomaalida kale. Sidoo kale, waxaa dagay dhul weynaha kale ee Kenya Soomaali malyan ka badan oo qax iyo tabac u tagtay. Soomaalidaan waxay qaateen dhalashada dalkaas waxay la xaq iyo xuquuq noqdeen kuwii hore ee dagganaa. Sidoo kale, waxaa kusoo guuray oo warasaadoodi keenay Kenya Soomaalidii debadda jirtay.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Dadkaas horay u sii joogay iyo kuwa gadaal ka yimidba Kenya waxay galiyeen maalgalin aan caadi ahayn. Wixii la heli karay oo dhan ayaa lagu shubay Kenya. Waa ay yartahay in la helo ruux wax un lacag ah heli karo oo aan Kenya guri ka iibsan. Tuulo yar oo aan daganahay soomaaliduna ku yartahay waxaan ka aqaan dad labaatan dhaafay oo falaatyo Nayroobi ka iibsaday iyagoo wali dibadda ku nool. Malaayiinta soomaaliyeed ee waxay adduunka naxeen Kenya u taal marnaba kama raalli noqonayaan xiriirka Kenya oo la jaro (waxaan idiin xaqiijin in aan anigu shaqsiyan guri iyo kumi kale toona Kenya iga oollin). Dalka sidaasi Soomaalidu isugu aamintay in xariirka loo jaro iyadoo laga maarmi karo ama maslaxo qaran oo muuqataa aysan jirin waa mid is-halligid iyo qar iska tuurnimo ah.

Midda labaad Kenya inkasta oo ay dhul naga haysato hadda wixii ka horreeyay ma lahayn han dhaafsiisan gudaheeda. Awal kuma jirin qabsashada dhul soomaaliyeed haddana uma diyaarsana. Waa dal gondo-fiiris ah (inward looking) oo ku danbeeyo xagga saamaynta arriamaha dibadda. Tusaale, 10 sano ka badan oo dalka dowlad aysan ka jirin Kenya waxay isku ballaarin kartay dhul badan iyadoo cidna ogaan. Iyadoo lagu siqayo oo xuddeed beenaadkeedi la galay ayaysan yac waligeed dhihin.

Soomaalida daggan Baladxaawo waxay dagtay dhulkii loo aqoon jiray lama-yeeshaanka (No man’s land). Askartu iyadoo tuban oo eegayso ayaa shan mitir ka yar halka ay waardiyaha ka galaan guryo laga dhistay joojiyana aysan dhihi jirin. Arrinta badda ee hadda toosisay qudheedu waxaa abaabulkeeda lahaa dowladda Norway ee waligeed ma aysan damaaciseen baan qabaa ama maba ku baraarugteen. Dalka noocaas ah cadaawaddiisu ma foga mana mudna in laga raadiyo colaad raagto hadduusan isagu soo doonan.

Duuduub, Kenya waa na hujuuntay, noo hanjabtay, na handatay daandaansi iyo dagaalna doontay. Dhinaceenna dowladda na matasho waxay muujisay dulqaad, daganaan iyo diblomaasiyad waqtigeedi joogto muraadkeedana gaarsiin kara. Saddexda arrimood ee aan halkaan ku faaqiday dowladdu kama dammana laakiin waa hub waqtigii la isticmaali lahaa aan la gaarin inta laga maarmana in aan la isticmaalin mudan. Haddii inta maxkamaddu noo xunto badda Kenya isku daydo inay ciidamo gayso oo ku dhawaaqdo inay xoog ku qabsatay, markaas waxaysan hurayn istimaalka qaar ka  mid ah hubkaan.

WQ: Ibrahim Aden Shire
Ishire86@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan kama tarjumeyso tan Halqaran.com, waxay u gaar tahay magaca ku saxiixan. Halqaran.com, waa warbaahin madax-banaan una furan shacabka Soomaaliyeed. Fikirkaada ku soo dir: halqarannews@gmail.com . Mahadsanid.

Post Comment