XOG CUSUB: Madaxweyne Farmaajo oo sheegay arin halis ku noqon karta Wasiir Janan & go’aan adag oo laga gaaray!

Muqdisho (Halqaran.com) – Odayaasha dhaqanka ee Jubbaland oo maalmihii dambe magaalada Muqdisho u joogay arrinta xariga Wasiir Janan ayaa sheegay in ay la kulmeen Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Nabadoon Idiris Aadan Nuur oo ka mid ahaa Odayaashii Dhaqanka ee Madaxweyne Farmaajo la kulmay ayaa sheegay, in Madaxweynuhu uu u sheegay in Dowladda kaliya aysan ku dambi ku haysanin wasiir Cabdicasiis Janan, balse hay’ado ka shaqeeya xuquuqul insaanka ay sidoo kale haystaan Wasiirka.

Wuxuu kaloo xusay nabadoonka, in Farmaajo uu ergada u sheegay in Wasiirka la horkeeni doono maxkamad, si cadaaladda loogu qaado, haddii eedeymaha loo haysto ay sax noqdaan.

”Wuxuu Madaxweynuhu nagu yiri hay’ado caalami ah iyo dad ayaa dacweynaya, sidaas awgeed lama sii deyn karo, sharciga ayaana loo bandhigayaa, annaga waxaan samayn karnaa oo kaliya inaanan ninkaasi cadaalad-darro lagu sameynin, in si cadaalad ah arrintiisa loo galo, sidaasaa samayn karnaa, laakiin sii deyn malaha, caqli ahaan iyo maskax ahaan anaga waxay noola muuqatay arrimo siyaasadeysan inay tahay, sababtoo ah hadda ka hor waxaan arkeynay Maxkamadda Gobolka Banaadir oo kiisaska hadda lagu eedeynayo daaqadda ka tuurtay oo arrintaas beenisay.”

Waxay aheyd, 31-kii bishii hore ee August ayaa lagu xiray Garoonka Aadan Cadde ee Magaaladda Muqdisho, Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan).

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here