Wajaale (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Jimcihii maanta kormeer ku tegay mashaariicda dhulka lagu beerayo ee ka socota banka weyn ee Wajaale, kuwaasoo ay gacanta ku hayaan wasaaradda Horumarinta beeraha iyo ciidamada kala duwan ee qalabka sidaa ay gacanta ku hayaan.
Muuse Biixi oo ay wehelinayaan wasiirrada wasaaradaha gaashaandhigga, Horumarinta Beeraha, maamulka gobolka gobolka Gabiley iyo degmada Wajaale, ayaa soo indho-indheeyey mashaariicda lagu beerayo banka Wajaale oo si fiican u midho dhalay, islamarkaana ay nimcada roobku si laxaad leh u soo saartay.
Xubno ka mid ah saraakiisha ciidamada kala duwan ee qaranka oo gacanta ku haya mashaariicda ay banka lagu beerayo ee halkaas ka socda, ayaa ka xog warramay dedaalka ay ciidan ahaan ugu jiraan inay soo saaraan cunto ay ciidan ahaan manaafacaadsadaan, islamarkaana ay bulshada qaybaheeda kala duwan uga faa’iideeyaan.
→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
- Maxaa ka soo baxay kulankii Duqa Muqdisho Cumar Filish iyo Xildhibaano u doodayay Maqaamka Muqdisho?
- DAAWO SAWIRRO: Madaxweynaha Somaliland ‘Muuse Biixii’ oo kormeereay mashaariicda dhulka lagu beerayo
- UPDATE: Faah-faahin dheeraad ah dagaalkii Marka oo uu ku wajahanyahay RW Kheyre & Wararkii ugu dambeeyay
”Shacabka waad ku mahadsan tihiin, dedaalkana inaynu sii kordhinno uun baa wanaagsan, waana bilow, adduunyadana nin aan cunto haysannin uun baa faqri ah, cunto dibad ka timaaddana la iskuma hallayn karo, intii dedaalkeenna ah in dadka la baro wax soo saarka, aad iyo aadna waynnu ugu dedaalli doonnaa, banka Wajaalena waxan filayaa haddii Ilaahay roobkaa inoogu wado inuu Somaliland-ba cunto ugu filnaan doono.” Ayuu yir Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban goobta ka jeediyay.
Xafiiska Halqaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com