Hargeysa (Halqaran.com) – Prof. Cali khaliif Galayr oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in aan la fulin Heshiiskii ay Khaatumo la gashay Somaliland, isagoona sheegay in ay Faro-maran ka taagan yihiin.
”Heshiiskii Madaxwaynihii hore ee Siilaanyo uu Saxiixay, ee Baarlamaanku gudbiyey ayaan Saddex Sano daba socdaa, hadda annagaa Somaliland rabna, cidna marti uguma nihin”, ayuu yidhi Prof. Galeyr.
Cali Khaliif Galayr ayaa ku Hanjabay in ay Tallaabo qaadi doonaan haddii aan la dhaqan gelin Heshiiskii Khaatumo.
Dhinaca kale, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa taageeray Hadalka Dr. Cali Khaliif Galayr uu jeediyey, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la dhammeystiro Heshiiskaasi.
Wasiirka Arimaha Gudaha ee Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay fuliyaan Heshiiskii khaatumo, Isla markaana uu madaxweyne Muuse Biixi ku qasban yahay in uu fuliyo Heshiiskii uu Kulmiye galay.
HALKA HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA:
→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
Maxaa ka soo baxay kulankii Duqa Muqdisho Cumar Filish iyo Xildhibaano u doodayay Maqaamka Muqdisho?
DAAWO SAWIRRO: Madaxweynaha Somaliland ‘Muuse Biixii’ oo kormeereay mashaariicda dhulka lagu beerayo
Xafiiska Halqaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com