Berbera (Halqaran.com) – Madaxweynaha xukuumadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa Sabtidii maanta markii u horreysay si dadban shaaca uga qaaday inay xukuumadiisa ka laabatay saldhigii millateri ee magaalada Berbera ka siisay dowlada Imaaraadka Carabta.
Muuse Biixi ayaa ku micneeyay tallaabadan ay kaga laabteen heshiiskii ay dowlada Imaaraadka saldhig ku siinayeen, mid timid wadatashi dheer kadib markii xukuumadiisa ka yeelatay.
Madaxweynaha Somaliland ayaa hadalkaasi sheegay xili uu maanta ku sugnaa Garoonka magaalada Berbera, isagoona ka dhawaajiyey in garoonka berbera laga dhisi doono uu kamid noqon doono garoomada ugu waaweyn dunida.
”Garoonkii Berbera ee in badan laga murmayey ee Imaaraadku dhisayeen ee la-lahaa waa ciidan iyo ciidankani muxuu yahay, Ciidankii waan ka wareejiyey oo waa Shibil maanta, wuxuu noqonaya habka ugu weyn”, ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.
→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
- XOG CUSUB: Guddiga beesha Habar-gidir oo dalab cusub hordhigay DF Somaliya
- Dowladda Mareykanka oo xaqiijisay in duqeyn lagu dilay Wiilkii Osama Bin Laden
- DAAWO SAWIRRO: Sidee RW Kheyre maanta loogu soo dhaweeyay magaalada Marka ee xarunta G/Sh/Hoose
- DEG DEG + DAAWO MUUQAAL: Maxaa kajira in ciidankii Puntland ka soo baxeen Tukaraq? & Gen.Yaasin oo ka hadlay sababta! (Maxaa Cusub?)
- XOG XASAASI: KENYA oo ku dhawaaqday qorshe cusub oo kiiska badda ay ku baabi’ineyso!!!
“Horumarku waxa uu ku yimaaddaa nabadda, intaynnu nabadda xoojinno ee khilaafaadka yaraynno ayuu horumarkeennuna kordhayaa, meel la isku khilaafsan yahayna horumar laguma gaadho, maamulka Berbera iyo odayaashiisaba waxan ku bogaadinayaa inay nabadda aad u xoojiyeen beryahan dambe, waana tusaale wanaagsan”, Ayuu sidoo kale yiri Muuse Biixi
Si kastaba, hadalkan madaxweynaha Somaliland ee ku aadan ka noqoshada saldhigii Millateri ayaa ku soo aadaya xili uu muran baahsan ka taagna Saldhiga xukuumada Kulmiye ay Berbera ka siisay dowlada Imaaraadka Carabta.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA IYO HADALKA MUUSE BIIX:
Xafiiska Halqaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com