
Jowhar (Halqaran.com) – Madaxweynaha maamulka Hirshabele Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda Gobolka Shabeellaha Dhexe Cabdullaahi Shitaawe, Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriye Cusmaan, iyo Ciidamadii la socday, kuwaas oo ay miino dhulka lagu aasay kula qaraxday inta u dhexeysa Wadada Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Sh dhexe.
”Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya Afka Golayaasha Dowladda Hirshabelle iyo kaygaba, waxaan tiiraanyada la qaybsanayaa qoyskii, ehelladii, Guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed Gaar ahaan Reer Hirshabelle ay ka geeriyoodeen Mas’uuliyiintaasi iyo Ciidamada geesiyaasha ee iyagana shahiiday”, ayuu yiri Madaxweyne Waare.
”Labada Mas’uul, Samafalaha, iyo askartii kale ee ku shahiidday qaraxan waxay waqtigoodii iyo naftoodiiba u hureen soo celinta nabadgelyada dalkooda, waxayna dadaal badan galiyeen sidii Hirshabelle u horumari laheyd” sidaasi Waxaa Yiri Madaxweyne Waare.
→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
- Dowladda Mareykanka oo xaqiijisay in duqeyn lagu dilay Wiilkii Osama Bin Laden
- DAAWO SAWIRRO: Sidee RW Kheyre maanta loogu soo dhaweeyay magaalada Marka ee xarunta G/Sh/Hoose
- DEG DEG + DAAWO MUUQAAL: Maxaa kajira in ciidankii Puntland ka soo baxeen Tukaraq? & Gen.Yaasin oo ka hadlay sababta! (Maxaa Cusub?)
- DEG DEG + DAAWO MUUQAAL: Madaxweynaha Somaliland ‚Biixi‘ oo sheegay inay joojiyeen Saldhigii Milatari ee imaaraadku uu ka dhisayey Berbera
- XOG XASAASI: KENYA oo ku dhawaaqday qorshe cusub oo kiiska badda ay ku baabi’ineyso!!!
Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Marxuumeenta Eebbe uga baryay in uu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo ehelladii ay ka tageenna uu samir iyo iimaan ka siiyo.
Qarax Miino oo wadada la galiyay ayaa lagu dilay Kolonyo gaadiid ah oo uu la socday Gudoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Hirshabelle kaasi oo ka ambabaxay Magaalada Balcad una socday Jowhar.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com