UPDATE: Ciidamadii muranka dhaliyay oo laga qaaday Baladweyne, loona daabulay Dhuusamareeb

Baladweyne (Halqaran.com) – Xilli Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan ay diidanaayeen  Ciidamo u dhashay reer Hiiraan in laga qaado Magaaladaasi loona daabulo Gobolka Galgaduud, ayaa Saraakiisha Ciidamada dowladda waxa ay maanta qaadeen ciidankii uu muranka ka taagnaay.

Ciidamadan ayaa Sabtidii shalay tababar loogu soo gaba gabeeyay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana maanta loo qaaday Magaalada Dhuusamareeb.

Amarka lagu qaday ciidamadaan ayaa warar soo baxayay waxaa ay sheegayeen inay bixisay dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana Taliyaha guutada 5aad ee qeybta27 aad Faarax Cali Waasege oo shalay la hadlayay boqolaal ka mid ah Ciidankaas ayaa sheegay inu fuli doona amarka dowladda islamarkaana Ciidamada la geyn doono halkii ay dowladda amarto.

Ciidankaan ayaa waxaa lagu qaaday gaadiidka waaweyn ee xamuulka ah waxaana qorshaha uu yahay xerada Ciidamada ee Magaalada Dhuusamareeb in la geeyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay wadaa qorshe dagaal oo Shabaab la doonaayo in looga saaro deeganada Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Ilaa iyo lama oga tallaabada ay qaadi doonaan Odayaasha Dhaqanka Magaalada Baladweyne ee waayahan diidanaa Ciidamadaasi in la qaado, balse go,aankoodii shaqeyn waayay.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here