
Kismaayo (Halqaran.com) – Warar hoose oo ay haleyso mareegta Halqaran.com, ayaa sheegaya in dowlad goboleedka Jubbaland ay joojisay wafdi u duuli lahaa magaalada Muqdisho.
Wafdigan oo isugu jiray wasiirro iyo xildhibaanno heer federaal iyo mid goboleed ayaa waxa dowladda federaalka ah kala xaajoonayaan xariga wasiirka amniga Jubbaland ee Cabdirashiid Janan.
Wasiir Janan, ayaa xabsi ku yaalla magaalada Muqdisho ku jira, tan iyo koowdii bishan September, welina wax maxkamad ah kama soo muuqan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in baaqashada wafdigan ay ka dambeysay, kaddib markii madaxweyne Axmed Madoobe uu go’aan ku gaaray in uusan wax waan-waan ah geli doonin, uu adeegsan doono codkiisa, sida uu hadalka u dhigay.
→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
- WAR XASAASI AH: JABHAD cusub oo ka dilaacay gobolka Awdal, una hub-aruursanaya Xukuumada Somaliland
- XOG: Ma Dhabbaa in Daroogo lagu iibiyo Qunsuliyadda Soomaaliya ee Jeddah? & Khilaaf adag oo ka taagan qunsuliyadda!
- DEG DEG + DAAWO MUUQAAL: Gudoomiye ku-xigeenka Badhan oo u hanjabay Puntland, ‘cidna iguma xiri karto Badhan’!
- Madaxweynaha Puntland: ”Madaxda DF Somaliya ma sameysan karaan muddo kororsi xileed, mana laga aqbali doono”!
- ARAG SAWIRRO: Maxaa ka soo baxay kulankii dhexmaray guddoomiye Mursal iyo dhiggiisa dalka Turkiga
Hoggaamiye Axmed Madoobe ayaa khilaaf culus uu kala dhaxeeyaa dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taasoo salka ku haya doorashadii uu markale dib ugu soo baxay, balse ay Villa Soomaaliya waxba kama jiraan ka soo qaaday.
Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com