Wararka Maanta

DEG DEG: Qarax khasaare geystay oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho oo xilli habeen ah ku jirta /Sawir Hore/ Photo: Google Image

Muqdisho (Halqaran.com) – Qarax xooggan ayaa goordhow caawa ka dhacay agagaarka Isgoyska Xaaji Baasto ee magaalada Muqdisho

Jugta Qaraxan ayaa waxaa si weyn looga maqlay dhammaan Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana mar qura isbaddelay jawiga magaalada oo ahaa mid deggan.

Wararka ay haleyso mareegta Halqaran.com, ayaa sheegaya in qaraxani uu ka dhacay dhisme hotel cusub oo xariga laga jari rabay oo ku yaalla meel aan sidaas uga fogeen Isgoyska Xaaji Baasto.

Goob-joogayaal ayaa Halqaran.com u sheegay, in gaari Nooha ah oo waxyaabaha qarax laga soo buuxiyay la dhigay iridka hore ee Hotelkan cusub oo caawa la rabay in xariga laga jaro.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Qaraxan ayaa geystay khasaare dhaawacyo u badan, waxaana durba goobta gaaray ciidamo boolis ah oo isku gedaamay halka uu qaraxa ka dhacay.

Muddooyinkii dambe magaalada Muqdisho ayaa deganaasho aan cabo buurneyn ku taagneyd, iyadoo qaraxyadii is-daba jooga ahaa oo shacabka ku lagu baabi’in jiray laga nastay.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Halqaran.com, Insha allaah.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

Post Comment