ARAG SAWIRO: Wararkii ugu dambeeyay Dad shacab ah iyo Al-Shabaab oo ku dagaallamay gobolka Bakool

0

Xudur (Halqaran.com) – Shacabka ku dhaqan Gobolka Bakool ayaa qaarkood hubka u qaatay sidii ay Ururka Al-Shabaab kula dagaalami lahaayen gobolkaasi, ujeedkooduna uu yahay in ay iska difaacaan.

Shacabka ku dhaqanka Deegaanka Yabyab ee duleedka Magaalada Xudur ayaa ka dhiidhiyay xoolo ay xalay Ururka Al Shabaab ka kaxeysteen dadka deegaanka, waxayna bilaabeen in ay hubka qaataan.

Shacabka oo si iskood ah isu soo abaabulay ayaa maanta maleeshiyada Ururka Al-Shabaab kula dagaalamay Deegaanka Yabyab.

Dadka reer Yabyab oo xoolo dhaqato u badan ayaa la soo sheegaya in ay xoolahooda dib kaga soo ceshteen maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana kolkii dambe halkaasi gaaray Ciidanka Xoogga Dalka oo gurmad ahaan uga baxay Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Cabdullaahi Aadan Maxamed oo ah hoggaamiyaha shacabka u istaagay inay Shabaabka la dagaalamaan ayaa sheegay in ay u adkeysan waayeen dhibaatada joogtada ahi, ee Shabaabku ku hayaan bulshada deegaanka.

‚‘‘Waxaan u adkeysan weyney dilka, gowraca iyo dhaca joogtada ah oo ay noo gaysanayan Al Shabaab, ka dib waxaan go’aansanay in aan u hub uruursano oo aan la dagaalano, arrintaasna waan ku guuleysanay.” Ayuu yiri Cabdullaahi Aadan mar uu la hadlayay warbaahinta dowladda.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Ugaas Cali Dirir oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee dadka deegaanka ku dhiirageliyay inay Al-Shabaab la dagaalamaan ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in ay dagaalka sii wadaan.

Ugaas Cali Dirir oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in dadka reer Yabyab ay la baxayn magaca ah (Cali Qaran), waxayna dadka Shabaab la dagaalamaya ay u badan yihiin kuwo da’ ah.

Si kastaba, dadka ku dhaqan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya qaarkood ayaa hubka u qaatay, sidii ay isaga difaaci lahaayen maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab.

Xafiiska Halqaran.com, Baydhabo
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here