Washington (Halqaran.com) – Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka mid ah Baarlamaanka dalka Mareykanka ayaa Madaxweynaha dalkaasi Donald Trump ku eedeysay in uu halis galiyay nafteeda.
Ilhaan ayaa sheegtay in Trump uu baahiyay muuqaal been abuur ah oo la xiriira iyada oo ciyaareysa xilli dadka Mareykanka u murugoonayeen dadkii lagu dilay Mareykanka sanadkii 2001dii.
Muuqaalkaas ayey sheegtay in uu ahaa been abuur Madaxweynuhuna qeyb ka qaatay in muuqaalkaas baaho islamarkaana dadka neceb Ilhaan Cumar u hanjabaan.
Ilhaan ayaa sheegtay in muuqaalka la baahiyay uusan xilligaas ahayn ee uu ahaa mid ku saabsanaa mar loo dabaaldagayay Haweenka Madow ee ku jira Baarlamaanka Mareykanka islamarkaana Trump iyo taageerayaashiisa ay ka been abuuranayaan.
→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
- DAAWO MUUQAAL: Xaaf: ”Haddii aad madaxweyne doorataan yaan lugaha la qaban sidii anigaba lugaha lay qabtay”!
- DAAWO MUUQAAL: ”Xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Biixi haday si toos ah u go’aansatay inay hoostagto dowladda Farmaajo, shacabka ha u sheegaan”!
- ARAG SAWIRO: Wararkii ugu dambeeyay Dad shacab ah iyo Al-Shabaab oo ku dagaallamay gobolka Bakool
- Maxaa ka soo baxay kulankii uu maanta Shir guddoominayay RW Kheyre oo looga hadlay dagaalka Al-Shabaab?
- XOG: ”Xisbi ku sheegyada dalka ka jira waa laba wajiilayaal!”, waxa sidaa yiri
Muuqaalka ayaa la duubay 13kii September ee sanadkan laba maalmood kaddib baroordiiqda dadkii lagu laayay Mareykanka.
Xuska Haweenka Madow ee Mareykanka ayaa sanad kasta la qabtaa 11ka illaa 1ka September, waxaana muuqaalkaasi Trump ka dhigay in ay ku jees jeeseyso dadkii Mareykanka lagu laayay 11kii Septmber sanadkii 2001dii.
Xafiiska Halqaran.com, Minnesota
Halqarannews@gmail.com