AKHRI + XOG: Puntland oo si kulul u cambaareysay xayiraadii M/weynihii hore ee Somaliya Sheekh Shariif

Garoowe (Halqaran.com) – Dowlad goboleedka Puntland, ayaa si kulul u cambaareysay xayiraaddii Axaddii maanta lagu sameeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweyne Sheekh Shariif oo ka soo laabtay dalka Turkiga ayaa Axaddii maanta garoonka Aadan Cadde International lagu xayiray, iyadoon dowladda federaalka Soomaaliya ay is-hortaag ku sameysay safarkii uu doonayay inuu ku tago magaalada Kismaayo.

Dowladda Puntland oo ka duuleysa xayiraaddii la saaray gebi ahaan garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ayaa tallaadaasi ku tilmaantay mid aan sharciga waafaqsaneyn oo shacabka reer Kismaayo lagu dhibaateynayo.

Haddaba hoos ka akhriso war-saxaafadeedka ka soo baxay Puntland.

Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here