Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa hadda kulan xasaasi ah magaalada Muqdisho uga socdaa madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Waxaa kulankan looga hadlayaa Xayiraadii maanta lagu sameeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo kusii jeeday magaalada Kismaayo.
Kulankaan ayaa yimid, kaddib markii uu soo dhammaaday kulan u socday Ergo ka socday dowladda oo raalin waday ay u tageen Shariif Sheekh Axmed.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif ayaa dowladda ka dalbaday in ay caddeyso sababtii maanta loogu diiday inuu u duulo Magaalada Kismaayo.
Ugu dambeyn, Warar lagu kalsoonyahay oo ay halayso mareegta Halqaran.com, ayaa sheegaya, in hadda uu kulan u socdo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirradii u tagay Madaxweyne Sheekh Shariif.
→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
- AKHRI + XOG: Puntland oo si kulul u cambaareysay xayiraadii M/weynihii hore ee Somaliya Sheekh Shariif
- UPDATE: Madaxweynihii hore Somaliya Xasan Sheekh oo si adag uga hadlay xayiraadii lagu sameeyay garoonka Kismaayo
- XOG XASAASI: Maxaa ka Ogtahay in madaxweynihii hore Sheekh Shariif loo diiday inuu u duulo magaalada Kismaayo? Yaase ka dambeeyay?
- UPDATE: Puntland oo amar culus ku soo rogtay Warbaahinta madaxa-banaan + Hanjabaad cusub
- WAR CUSUB: DF Somaliya oo mar kale amar dul-dhigtay diyaaradaha u duulaya Kismaayo (Maxaa cusub?)
- XOG CUSUB: Maxaa ka jira in Somaliland ay Sheekh Maxamed Idiris ku amartay inuu si deg-deg ah uga baxo Hargeysa? (Ogow Sababta?)
- DHAGEYSO: Guddoomiye Cumar Filish oo sheegay Sababta loo sugi la’yaha Amniga Muqdisho!
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com