
Hargeysa (Halqaran.com) – Fanaannadda caanka ah ee Maryan Mursal Xaaji Ciise Bootaan oo xaalad caafimaad ugu jirta isbitaalka gaarka loo leeyahay ee Royal ee magaalada Hargeysa ayaa soo wanaagsanaaneysa xaaladeeda caafimaad, kaddib markii uu xanuun ku soo booday.
Maryan Mursal oo magaalada London ka soo duushay ayaa diyaarada dhexdeeda ku xanuunsatay, markii ay ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hareysana loola cararay goobaha caafimaadka.
”Anigoo ku soo socda Hargeysa oo diyaaraddii soo raacay ayaa lug iyo gacan culays badan ka dareemay, taasoo dadkii la socday diyaaradii iga soo dajiyeen, waxaana la ii keenay Isbitaalkan, haddana waan caafimaad qabaa oo gacantii way shaqaynaysa, balse lugtii baa wali sideedii ku soo noqon oo culays i ah”, ayay tiri Fanaanada weyn Maryan Mursal oo la hadashay Sahan TV oo isbitaalka ku booqday.
Haddaba halka hoos ka daawo muuqaalka wareysi lala yeeshay Fanaanada weyn Maryan Mursal oo weli ku jirta Isbitaalka:
→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
- AKHRI + XOG: Puntland oo si kulul u cambaareysay xayiraadii M/weynihii hore ee Somaliya Sheekh Shariif
- XOG XASAASI: Maxaa ka Ogtahay in madaxweynihii hore Sheekh Shariif loo diiday inuu u duulo magaalada Kismaayo? Yaase ka dambeeyay?
- UPDATE: Puntland oo amar culus ku soo rogtay Warbaahinta madaxa-banaan + Hanjabaad cusub
- WAR CUSUB: DF Somaliya oo mar kale amar dul-dhigtay diyaaradaha u duulaya Kismaayo (Maxaa cusub?)
- Madaxweynaha Puntland ‘Deni’ oo Safar aan horey loo shaacin ku tagay Boosaaso (Ogow Ujeedka!)
- DHAGEYSO: Guddoomiye Cumar Filish oo sheegay Sababta loo sugi la’yaha Amniga Muqdisho!
Xafiiska Halqaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com