DEG DEG +DAAWO MUUQAL: ”Jabhadaha ka dillaacay AWDAL waa run, waxayna talladiisu ku yimaadeen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi” waxa yiri…

Hargeysa (Halqaran.com) – Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga Caddaaladda iyo daryeelka ee UCID, Prof Qaasim Sheekh Ibraahim Tubeec oo wareysi gaar ah siiyay HornCable TV ayaa si adag uga hadlay Jabhadaha badan ee ka dilaacay deegaannada Somaliland.

Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyay in Jabhadahaasi ay ka jiraan deegaannada Somaliland, isagoona madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ku tilmaamay in ay talladiisa ku yimaadeen Jabhadaasi kala duwan ee dalka ka dillaacay.

”Waa nasiib darro, anniga marnaba uma maleyneynin in Somaliland gaar ahaan Awdal Jabhado ka soo horjeeda Somaliland ay abuurmayaan, maamul xumada Muuse Biixi waxay keentay in dadku ku fikiraan Jabhado”, ayuu yiri Prof. Qaasim Sheekh Ibraahim Tubeec guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Xisbiga Caddaaladda iyo daryeelka ee UCID.

Prof. Qaasim Sheekh Ibraahim Tubeec, ayaa afkiisa ku qiray in Jabhadahaasi ay jiraan wuxuuna yiri markale, ”Dilaa Jabhadi way jirtaa, tii Wabarana way soo noolaaneysaa wayna soo socotaa, waxaasi oo dhan waa maamul xumada Muuse Biixi, reer Awdal-na waxaa diyaar uma aheyn, shuqulna kuma laheyn‘‘.

Haddaba halka Hoose ka Daawo Muuqaalka oo xiiso gaar ah leh:

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:

Kulan xasaasi ah oo Muqdisho uga socda madaxweynayaashii hore Somaliya iyo Xildhibaano +SAWIRRO

UPDATE: Madaxweynihii hore Somaliya Xasan Sheekh oo si adag uga hadlay xayiraadii lagu sameeyay garoonka Kismaayo

XOG XASAASI: Maxaa ka Ogtahay in madaxweynihii hore Sheekh Shariif loo diiday inuu u duulo magaalada Kismaayo? Yaase ka dambeeyay?

UPDATE: Puntland oo amar culus ku soo rogtay Warbaahinta madaxa-banaan + Hanjabaad cusub

WAR CUSUB: DF Somaliya oo mar kale amar dul-dhigtay diyaaradaha u duulaya Kismaayo (Maxaa cusub?)

Madaxweynaha Puntland ‘Deni’ oo Safar aan horey loo shaacin ku tagay Boosaaso (Ogow Ujeedka!)

XOG CUSUB: Maxaa ka jira in Somaliland ay Sheekh Maxamed Idiris ku amartay inuu si deg-deg ah uga baxo Hargeysa? (Ogow Sababta?)

DAAWO VIDEO: Waa sidee xaalada Caafimaad ee Fanaanadda weyn Maryan Mursal?

Xafiiska Halqaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here