Madaxweynaha Puntland ‘Deni’ oo Safar aan horey loo shaacin ku tagay Boosaaso (Ogow Ujeedka!)

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa safar deg deg ah oo aan horay loo sii shaacin barqadii maanta waxaa uu ku tegay Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Safarkaan uu Boosaaso ku tegay Madaxweyne Deni ayaa warar soo baxaya waxaa ay sheegayaan in uu la xiriiro dhinaca Amniga, isla markaana uu kulamo ka bilaabayo Magalada Boosaso

Xog ay halayso mareegta Halqaran.com, ayaa sheegaya, in Axadda Maanta uu la kulmi doono saraakiil dhinaca tababarka Ciidamada ka taageera Puntland, kuwaas oo ka socda dowladda Imaaraadka carabta oo ku sugan Boosaaso.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Waxay ka mid tahay magalada Boosaaso magaalooyinka ugu amniga yar deegaannada Puntland, waxaana mararka qaar ka dhaca weeraro iyo dilal ay mas’uuliyadooda ay sheegtaan Ururrada Al-Shabaab iyo Daacish.

Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here