Muqdisho (Halqaran.com) – Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay Xayiraada dowladda Soomaaliya ay saartay garoonka Magaalada Kismaayo oo maalmihii ugu dambeeyay Sababay dhibaatooyin bulshada gaaray.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu sheegay in Musiibo weyn ay tahay in dowladda dhexe ee Soomaaliya hub ahaan ay u adeegsanayso maamulka Hawada Soomaaliya, islamarkaana dad Shacab ah la cunaqabateeyay.
Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo geliyay ayuu ku sheegay in Soomaaliya ay muddo 30 sano ah sugeysay inay gacanta ku dhigto maamulka Hawadeeda, islamarkaana hada si qaldan loo isticmaalaayo.
”Waa xaalad murugo leh in dowladdu u isticmaasho maareynta hawada sidii hub siyaasadeed oo saameyn culus ku yeelan kara xasilloonida siyaasadeed iyo midnimada dalka”, ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.
Hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yimid ka dib markii maanta Garoonka Muqdisho loo diiday in uu ka dhoofo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif, sidoo kalena dowladda dhexe ee Soomaaliya ay xoojisay xayiraada saaran Garoonka Kismaayo.
→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
- AKHRI + XOG: Puntland oo si kulul u cambaareysay xayiraadii M/weynihii hore ee Somaliya Sheekh Shariif
- DAAWO SAWIRRO: Kulan xasaasi ah oo Muqdisho uga socda madaxweynayaashii hore Somaliya iyo Xildhibaano
- XOG XASAASI: Maxaa ka Ogtahay in madaxweynihii hore Sheekh Shariif loo diiday inuu u duulo magaalada Kismaayo? Yaase ka dambeeyay?
- UPDATE: Puntland oo amar culus ku soo rogtay Warbaahinta madaxa-banaan + Hanjabaad cusub
- WAR CUSUB: DF Somaliya oo mar kale amar dul-dhigtay diyaaradaha u duulaya Kismaayo (Maxaa cusub?)
- XOG CUSUB: Maxaa ka jira in Somaliland ay Sheekh Maxamed Idiris ku amartay inuu si deg-deg ah uga baxo Hargeysa? (Ogow Sababta?)
- DHAGEYSO: Guddoomiye Cumar Filish oo sheegay Sababta loo sugi la’yaha Amniga Muqdisho!
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com