Garoowe (Halqaran.com) – Wasiirka dowlad goboleedka Puntland, Cali Xassan Axmed (Sabareey) oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa shaaciyay shuruud adag oo la hordhigayo suxufiyiinta ka hawlgala degaannada Puntland.
Wasiir Sabareey ayaa amar ku bixiyay in dhammaan suxufiyiinta ka hawlgala degaannada Puntland ay iska diiwaan-geliyaan wasaaradda warfaafinta ka hor 15 bisha soo socota ee Oktober.
Wuxuuna sheegay in aan suxufi loo aqoonsan doonin qofkii aan is diiwaa-gelin wakhtigaasi ka hor, islamarkaana tilaabo laga qaadi doono.
→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
- AKHRI + XOG: Puntland oo si kulul u cambaareysay xayiraadii M/weynihii hore ee Somaliya Sheekh Shariif
- DAAWO SAWIRRO: Kulan xasaasi ah oo Muqdisho uga socda madaxweynayaashii hore Somaliya iyo Xildhibaano
- UPDATE: Madaxweynihii hore Somaliya Xasan Sheekh oo si adag uga hadlay xayiraadii lagu sameeyay garoonka Kismaayo
- XOG XASAASI: Maxaa ka Ogtahay in madaxweynihii hore Sheekh Shariif loo diiday inuu u duulo magaalada Kismaayo? Yaase ka dambeeyay?
- WAR CUSUB: DF Somaliya oo mar kale amar dul-dhigtay diyaaradaha u duulaya Kismaayo (Maxaa cusub?)
- Madaxweynaha Puntland ‘Deni’ oo Safar aan horey loo shaacin ku tagay Boosaaso (Ogow Ujeedka!)
- XOG CUSUB: Maxaa ka jira in Somaliland ay Sheekh Maxamed Idiris ku amartay inuu si deg-deg ah uga baxo Hargeysa? (Ogow Sababta?)
- DHAGEYSO: Guddoomiye Cumar Filish oo sheegay Sababta loo sugi la’yaha Amniga Muqdisho!
Sidoo kale, wuxuu amray in ay is diiwaangeliyaan dhammaan xarumaha warbaahineed ee ka hawlgala degaannada Puntland, si loola socdo shaqada ay ka hayaan gudaha Puntland.
Wasiirka dowlad goboleedka Puntland, Cali Xassan Axmed (Sabareey) ayaa sheegay in is diwaangalinta ka dib baaritaan lagu samayn doono aqoonta iyo khibradda suxufiyiinta, islamarkaana aqoonsiga lagala noqon doono suxufigii aan haysan xirfad ku filan.
Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com