Kismaayo (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markale amaro dul dhigtay shirkadaha Duulimaayadda ku taga Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland.
Hey’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed SCAA qoraal ayay soo saartay ayaa lagu sheegay in Shirkad kasta oo u duuleysa Kismaayo inay soo weydiisato Xafiiska Hey’adda fasax duulimaad 24 saac ka hor, islamarkana shirkad kasta inay soo dalbato fasaxii ay ugu duuli laheyd Kismaayo, si aan looga joojin duulimaadka xili dambe.
Arintaan u muuqata mid dowladda Dhexe ay kaga hortagayso in Wafuud Caalami ah ay tagto Magaaladda Kismaayo si ay kaga qeyb galaan Caleema saarka Axmed Madoobe.
Si kastaba, dhawaan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa soo saartay amar ah in diyaaradaha aadaya Kismaayo iyo kuwa ka imaanaya inay soo maraan magaalada Muqdisho si loo hubiyo.
→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
- AKHRI + XOG: Puntland oo si kulul u cambaareysay xayiraadii M/weynihii hore ee Somaliya Sheekh Shariif
- DAAWO SAWIRRO: Kulan xasaasi ah oo Muqdisho uga socda madaxweynayaashii hore Somaliya iyo Xildhibaano
- UPDATE: Madaxweynihii hore Somaliya Xasan Sheekh oo si adag uga hadlay xayiraadii lagu sameeyay garoonka Kismaayo
- XOG XASAASI: Maxaa ka Ogtahay in madaxweynihii hore Sheekh Shariif loo diiday inuu u duulo magaalada Kismaayo? Yaase ka dambeeyay?
- UPDATE: Puntland oo amar culus ku soo rogtay Warbaahinta madaxa-banaan + Hanjabaad cusub
- Madaxweynaha Puntland ‘Deni’ oo Safar aan horey loo shaacin ku tagay Boosaaso (Ogow Ujeedka!)
- XOG CUSUB: Maxaa ka jira in Somaliland ay Sheekh Maxamed Idiris ku amartay inuu si deg-deg ah uga baxo Hargeysa? (Ogow Sababta?)
- DHAGEYSO: Guddoomiye Cumar Filish oo sheegay Sababta loo sugi la’yaha Amniga Muqdisho!
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com