Arday tira badan oo maanta ku dhimatay iskuul ku yaalla Nairobi oo soo dumay

Nairobi (Halqaran.com) – Sida ay sheegtay Hay’adda Bisha Cas ee Kenya, ugu yaraan 7 arday ayaa dhimatay 59 kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii uu soo dumay iskuul ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

Dhismaha ayaa burburay daqiiqada yar uun kaddib toddobadii subaxnimo xiligaas oo ardaydu galayeen fasalladooda.

Gaadiidka gargaarka ee Joon Ambalaas oo ka qeyb qaadanayay badbaadinta ardayda uu fasalka ku soo dumay ayaa sheegay in 7 arday ay ku dhinteen burburka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Isbitaalka dowladda ayaa xaqiijiyay in 59 qof ay ku dhaawacmeen burburka iskuulka wax ayna intaasi ku dareen in ardaydii dhimatay loo qaaday xabaalaha.

Maamulka Isbitaalka Kenyaata ayaa sheegay in dhaawacyada ardayda ay u badnaayeen dhaawacyo fudud oo u badan gacmaha iyo daqarro dhanka madaxa ah.

Ardayda ay dhaawacyadu soo gaareen ayay da’doodu u dhexeysay 8 illaa 15 sano.

Milkiilaha iskuulka ayaa burburka iskuulka ku tilmaamay shil isaga oo dayaca iskuullka ku eedeeyay duqa magaalada Nairobi.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here