Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay jujuubkii Axaddii shalay lagu sameeyay Madaxweynihii hore ee Somaliya, Shariif Sheekh Axmed, xilli uu ku sii jeeday Magaalada Kismaayo.
Dowladda Somaliya ayaa is hortaag ku sameysay wafdi uu hoggaaminayay Shariif Sheekh Axmed, oo doonaayay in Magaalada Kismaayo kaga qaybgalaan caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Xasan Sheekh Maxamuud oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in Maamulka Hawada Somaliya laga soo maray dadaal baaxad leh, sidii maamulkaasi dib loogu soo celin lahaa dalka.
Waxaa uu sheegay inaanay sax ahayn in Madaxdii hore ee dalka lagu dhibaateeyo, iyadoo loo adeegsanayo dano gaar ah, oo siyaasadeed, sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu intaa ku daray in ay dhibaato ka dhalan karto, haddii dowladda haataan jirta ay Maareynta Hawada u isticmaasho, sidii hub siyaasadeed oo kale, iyadoo ay culeys ku keeni karto xasiloonida iyo midnimada dalka.
Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Somaliya ayaa hoosta ka xariiqay inaanay sax ahayn sida ay wax ku wadaan Madaxda Dowladda Federaalka.
→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
- DHAGEYSO: Shariif Sheekh Axmed oo si kulul u weeraray Madaxda DF Somaliya, ”Farmaajo inuu sharciga ku tunto lagama aqbalayo”!
- DEG DEG + DAAWO MUUQAAL: Somaliland oo Xamar dowlad cusub u dhisaysa & Feysal Cali Waraabe oo Shariif Sheekh Axmed uga tacsiyeeyay falkii uu Farmaajo kula kacay!
- Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadajir oo kabaha la dul-maray madaxda dalka Somaliya, ‘Madaxda Dastuurka ayay ku tumanayaan’!
- XOG: Dowladda Somaliya oo amar ku bixisay in Saddex maalmood aysan wax diyaarado ah ka dagi karin Kismaayo (Ogow Ujeedka)!
- JUBBALAND: DF Somaliya waxay nagu haysaa hanjabaad, cunsurnimo & caburin bulsho
”Madaxdu markay shacabka Ixitiraamaan ayay ixtiraam helayaan. Hoggaanka dowladda sida ay wax ku wadaan sax maahan oo wadada ay hayaan qardheer bay ka tuureysaa oo dadku way idin dul qaateene dhibka ka dhaafa.” Ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Somaliya.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaa ku daray ”Sidaa wax u wadaan anagaa dalka joognay oo og waxa ka dhashay, haddii aydaan ogayn ee ka joogga.”
Ugu dambeyn, Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa si adag kaga falceliyay tallaabadii ay dowladdu ku xanibtay diyaaraddii wafdiga Shariif Sheekh Axmed u qaadi laheyd Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee Magaalada Kismaayo.
Halka hoose ka dhageyso Codka Xasan Sheekh Maxamuud:
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com
Ma xishoodo miyaa? war chnes kaagii waad qaadatay, waxa tahay ninkii yiri , Hotela laguma shiri karo, Mucaarad ma arki karo, Dastuurkii oo aad diidey, Xildhibaana badan oo la laayy intii aad madaxda ahyd, waxaaba la raby in lagu maxkamadeyo danbiyadii lumis dhaqaale , dhul dowladeed boob, iyo ka daran, inaad hadasho ma eheyn.