Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadajir oo kabaha la dul-maray madaxda dalka Somaliya, ‘Madaxda Dastuurka ayay ku tumanayaan’!

0

Muqdisho (Halqaran.com) – Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame, ayaa weerar afka ah ku qaaday dowladda Federalka Soomaaliya, xilli uu ka hadlaayay Xanibaadii lagu sameeyay Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa qoraal uu soo dhigay Boggiisa xiriirka Bulshada waxa uu ku sheegay falka lagu xanibay Shariif inay tahay wax ka fog qaranimada Somaliya, islamarkaana ay muujinayso sida madaxda Dastuurka ugu tumanayaan.

Qoraalka uu soo dhigay Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur boggiisa xiriirka Bulshada ayaa waxa ay u qornayd sidan.

Waxaan si xooggan u cambaareynayaa xayiraadda safar ee loo geystay madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmad, wafdigiisa iyo shacabkii maanta Kismaayo u dhoofayey. Sheekh Shariif wuxuu halgankiisa siyaasadeed ka soo billawday soo deynta wiil ardaydiisa ka mid ah oo xorriyaddiisa laga qaaday, maantana waxay joogtaa in isaga xorriyadda socodka laga qaado.

Dastuurka Soomaaliya qodobkiisa 21-aad ayaa dammaanad qaadaya xorriyadda Isu-socodka. Dowladnimo dastuur ayey ku dhisan tahay, ku tumashada dastuurkana waa khiyaano qaran. Madaxweyne Farmaajo iyo Raysalwasaare Kheyre amarkooda ayaa lagu laayey shacabkii Baydhabo, doorasho ay Amisom tartamayaashii qaarkood xabsiga dhigtay, dadkii ka dhiidhayeyna laysay ayuu Farmaajo caleema saarkeedii cammirtay.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Dalka kaligood ma laha, Dastuurkana kama wayna, haddiise ay u qaateen in dulqaadku yahay daciiftinimo, is-xakamayntu tahay itaal yari, tanaasulkana yahay taagdarri, dhabtii waddada ay ku socdaan waa mid horay ka xiran.

Maadaama iyadoo dastuurkii lagu tumanayo, heshiiskii bulsho ee nabadda jilicsan ee dalkeena lagu ilaalinayey, la burinayo, daandaansi kasta oo dhiilo iyo colaad horseedi kara lagu kacayo , lana ogyahay muruqa iyo awoodda lagu dangiigana ay l kan Amisom yahay, ayna waxa dhacaya ka aamusan tahay, eedda Amisom ayaan leh, iyadaana ka masuul ah wixii dalkaa ka dhaca.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here