XOG: Maxay ka dhigan tahay falcelintii Yuusuf Garaad ee hadalkii Sheekh Shariif Sheekh Axmed?

0
Yuusuf Garaad Cumar /Sawir hore /Keydka
Yuusuf Garaad Axmed

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay hadalkii ka soo yeeray Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Somaliya.

Shariif Sheekh Axmed oo Isniintii shalay muujiyay sida uu kaga carooday tallaabadii looga joojiyay safarkii uu ku taggi lahaa Magaalada Kismaayo ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay dib u dhac dalka u horseedeyso.

Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay in hadalka ka soo yeeray Shariif Sheekh Axmed uu dib u dhac horseedi karo, inkastoo sida uu sheegay ay jiraan dad leh wax dhimi karo hadalkiisa.

“Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed waxaan hadalkiisa u arkaa mid dib u dhac horseedi kara oo aanay ahayn in la sahashado. Wax ma dhimi karo dad baa leh. Laakiin ma doonayo in taas la isla gaaro. Ma ahan in la dheyelsado mana ahan in looga sii daro.” Ayuu yiri Yuusuf Garaad Cumar.

Waxaa uu Dowladda Federaalka ugu baaqay iyadoo danta guud fiirinaysa in ay si deg deg ah u xaliso khilaafkan cusub, oo markii horeba laga baaqsan karay, sida uu yiri.

“Waxaan Dowladda ugu baaqayaa ayada oo danta guud ka eegeysa, in ay dhakhso u xaliso khilaafkaan oo ah mid markii horeba laga baaqsan karay.” Ayuu yiri Yuusuf Garaad oo hadalkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Gudoomiyaha Xisbiga Himilo, Sharif Sheekh Axmed ayaa si kulul uga carooday is hortaaggii lagu sameeyay safarkii uu shalay ku taggi lahaa Kismaayo, oo uu doonayay in uu kaga qaybgalo xafladda caleemo saarka ee Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Si kastaba, xanibaadda ay dowladdu ku soo rogtay Madaxweynihii hore ee Somaliya ayaa hadalhayn xoogan ka dhex dhalisay bulshada Soomaaliyeed, dal iyo dibadba.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here