New York (Halqaran.com) – Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump oo ay wehlineyso xaaskiisa Melania Trump ayaa qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo afadiisa, Saynab Cabdi Macalin.
Kulankan ayaa ahaa mid ballaaran oo Madaxweynaha Mareykanka uu u sameynayay Madaxda Caalamka, ee shirka uga qaybgaleysa Magaalada New York ee Xarunta Qaramada Midoobey.
Khamiista berrito ayaa waxaa lagu wadaa in Madaxweyne Farmaajo uu markii ugu horeysay khudbad ka jeediyo kulanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey, isagoo Madaxweyne ah.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Magaalada New York ka wada kulamo gaar gaar ah oo uu kula qaadanayo Madaxda Caalamka, ee isugu tagtey Magaalada New York.
→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
- Biladii la siiyay Madaxweyne Farmaajo oo lagu sheegay mid hooseyso!
- XASAASI + DAAWO VIDEO:”Somaliland labo Jabhadood baa ka jira tan Saddexaadna ayaa laga Filayaa!”waxa yiri
- XOG XASAASI AH: DF Somaliya oo War cusub ka soo saartay xanibaadii duulimaadyada Kismaayo
- AKHRI: Ma Dhabbaa in caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland dib loo dhigay?
- XOG XASAASI: Xildhibaanada Labada Gole: DF Somaliya si shuruud la’aan xayiraada ha uga qaado shacabka Kismaayo.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com