DAAWO SAWIRRO: Maxaa ka soo baxay Shirka Arbaclaha ee maamulka gobolka Banaadir?

0

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) ayaa shir guddoomiyay shirka Arbaclaha ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkan oo ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose Xamar ayaa waxaa ka qaybgalay Gudoomiye-yaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, Gudoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka iyo Agaasimiye-yaasha Waaxaha Dowladda Hoose.

Shirkan oo mid toddobaadle ah, lana qabto maalin kasta oo Arbaco ah ayaa inta badan waxaa looga hadlaa amniga, xoojinta horumarka Caasimadda Muqdisho iyo dib u soo noolleynta bilicda magaalada.

Hadaba shirka maanta ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose ayaa waxaa diiradda lagu saaray amniga iyo sidii loo dhaqangelin lahaa mowqifkii Duqa Muqdisho, ee ahaa in dib loo furo Wadooyinka Magaalada Muqdisho, kuwooda xiran.

Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya Taliska Booliska ayaa waxaa lagu wadaa in ay dib u furaan wadooyinka xiran, inkastoo aad taasi mooddo in fulinteeda ay adkaan doonto, waxaase dhici karta in wadooyinka qaarkood dib loo furo, halka qaarka kalena ay sii xirnaadan.

Shirkan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa laba bilood ka dib, markii qarax lagu dilay masuuliyiin uu ka mid ahaa Gudoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho, AUN Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow).

Si kastaba, arrinta weli taagan, dadkuna wax iska weydiinayan ayaa ah inaanay illaa iyo hadda jirin cid ay Dowladda Federaalka u maxkamadeysay qaraxii 24-kii bishii July ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose Xamar.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here