Maxaa ka soo baxay Kulankii maanta New York ku dhexmaray Farmaajo iyo Ordogaan? + SAWIRRO

0
Madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya, Farmaajo iyo Ordogan
Madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Rajab Dayib Ordogan

New York (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogaan ayaa Arbacadii maanta kulan ku yeeshay magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay sidii loo sii adkeyn lahaa xiriirka taariikhiiga ah iyo midka diblumaasi ee ka dhexeeya Muqdisho iyo Ankara.

Madaxweye Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka shaqeyneyso adkeynta xiriirka labad dal.

“Waxaa inaga go’an adkeynta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga oo marwalba ahaa mid adag” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo qoraal Twitter-kiisa soo dhigay kulanka kaddib.

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa lahaa xiriir diblumaasiyeed oo salka ku haya taageero bini aadanimo iyo difaac militari tan iyo 2011-kii.

Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan la yeeshay Raiisul wasaaraha Biljamka Charles Michel, waxa ayna ka wada hadleen sidii loo sii adkeyn lahaa xiriirka labada dal.

Xafiiska Halqaran.com, Columbus-Ohio
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here