Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaano ka tirsan labadda gole ee baarlamaanka Soomaaliya oo Talaadadii shalay kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa si deg deg ah u dalbaday in Xayiraada laga qaado Shacabka kunool magaalada Kismaayo.
Xildhibaanada waxa ay ku baaqeen in dowladda Federaalka in si shuruud la’aan xayiraada looga qaado Jubbaland iyo in loo saaro guddi baaritaan ku sameeya waxyeelada bani’aadanimo ee ka dhalatay cunaqabateyn la saaray reer Jubbaland.
Waxa ay Cambaareeyeen Xayiraada oo sheegeen in ay tahay ku tumashada dastuurka dalka iyo ku tagri falka awoodeed.
Maamulka Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa guud ahaan ku dhawaaqday in la joojiyay diyaaraddaha Aada iyo kuwa ka yimaada Garoonka Magaalada Kismaayo muddo Saddex maalin ah.
→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
- Biladii la siiyay Madaxweyne Farmaajo oo lagu sheegay mid hooseyso!
- XASAASI + DAAWO VIDEO:”Somaliland labo Jabhadood baa ka jira tan Saddexaadna ayaa laga Filayaa!”waxa yiri
- XOG XASAASI AH: DF Somaliya oo War cusub ka soo saartay xanibaadii duulimaadyada Kismaayo
- AKHRI: Ma Dhabbaa in caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland dib loo dhigay?
- UPDATE: Faah-faahin cusub qaraxii maanta lala beegsaday gudoomiyaha maxkamadda ciidamada.
Maamulka Hay’adda ayaa ku wargeliyay Shirkadaha Diyaaradaha in la hakiyay duulimaadyadii tagi jiray Kismaayo laga bilaabo 23 bishan September illaa 26 bishan, waxaana mudadaas la sheegay in wax duulimaad ah ka degi karin Kismaayo.
Si kastaba, DF Soomaaliya ayaa ku hortageysaa in laga qeyb galo Caleema saarka Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe oo lagu waddo in ay dhaco 26-Bishaan.
Xafiiska Hal qaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com