Wararka Maanta

XOG XASAASI: Madaxweynaha Puntland: ”Hawada Somaliya maahan Dukaan qof leeyahay. Caqliga ha u taliyo dadka xayiray Kismaayo”!

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Deni

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in uu ka qeyb galayo caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxmed Islaan (Axmed Madoobe).

Mudane Deni oo wareysi gaara siiyay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in uu ka mid yahay martida lagu casumay caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe, uuna tagi doono magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Puntland, ayaa tilmaamay in hawada Soomaaliya aysan ahayd dukaan qof leeyahay, ee ay tahay hawo sharci lagu maamulo, sharcina lagu maro, qawaaniin caalami ah iyo kuwa Soomaaliyaba ay u xilsaaran yihiin.

Sidoo kale, madaxweyne Deni ayaa xusay in uu aad uga xun yahay in uu dhaco ku xadgudub Dastuur, oo dadka loo diido xaqa uu Dastuurku siiyay, aysana ahayn arrin ku haboon dadnimada iyo dowladnimada.

Si kastaba, madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Deni ayaa xusay in uu rajeynayo in dowladda Soomaaliya iyo dadka ka shaqeeyay xanibaada duulimaadyada Kismaayo uu caqligu u talin doono.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:

DAAWO VIDEO: Sheekh Xasan Daahir Aweys oo si kulul uga hadlay Xayiraadii lagu sameeyay Shariif Sheekh Axmed. (Ogow wax badan)

DAAWO SAWIRRO: Muxuu Madaxweynaha Puntland ku soo arkay goobihii uu maanta Kormeeray?

Faah-faahin ku saabsan haweeney Saygeeda ku dishay degmada Hobyo & Wararkii ugu dambeeyay

Maxaa ka soo baxay Kulankii uu Farmaajo New York kula yeeshay Xoghayaha Q.M Guterres?

XASAASI + DAAWO VIDEO:”Somaliland labo Jabhadood baa ka jira tan Saddexaadna ayaa laga Filayaa!”waxa yiri

DAAWO SAWIRRO: Beelihii ku dagaallamay Xeraale oo qodobbo muhiim ah ku heshiiyay

Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com

Post Comment