XOG XASAASI: Maxay tahay Sababta uu Madaxweyne Farmaajo u booqday sawirna ula galay Nin la sheegay inuu Xasuuq ka geysay Somaliland?

Washington (Halqaran.com) – Madaxweynaha DF Soomaaliya, oo ku sugan magaalada Washington ee dalka Maraykanka ayaa la kulmay Korneyl Tuke oo hore loogu xukumay xasuuqyo uu ka gaystay Somaliland wakhtigii dawladii kacaanku talada haysay.

Dawlada Soomaaliya wali faah-faahin ka aysan bixin kulanka uu madaxweyne Farmaajo la yeeshay kornayl Tuke, balse xildhibaanno iyo siyaasiinta mucaaradka ah ee Soomaaliya ayaa si weyn u dhaliilay tallaabada uu qaaday madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan golaha shacabka ayaa fariin uu ku baahiyey bogiisa Facebook ayaa shacabka Somaliland raali gelin ka siiyey tallaabada uu madaxweyne Farmaajo ku maamuusay kornaylkaas dambiyada xasuuqa ah lagu helay, isla markaana maxkamada Maraykanka ahi xukuntay.

Xildhibaan Fiqi ayaa qoraalkiisa ku yidhi “Waxaan magaca umadda Soomaaliyeed raali gelin uga siinayaa walaalaheen reer Somaliland oo Madaxweyne Farmaajo uu dib u damqiyey dareenkooda soona xasuusiyey maalmo murugo lahaa, kadib Markii uu sawir la soo galey shakhsi ku eedaysnaa dambiyo dagaal iyo xasuuq dad Soomaaliyeed‘‘.

Dhinaca hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa madaxweyne Farmaajo ku dhaliilay kulanka uu la qaatay kornayl Tuke.

“Madaxweyne Farmaajo waxaa wafdigiisa ka mid ahaa Sadaq John oo ah danbiile dad ku xasuuqay xarunta Wadajir, wuxuu la sawiran yahay Kornayl Tuke oo danbi dagaal loo haysto, wuxuu taliyaha ciidanka Asluubta u dalacsiiyey ninkii Baydhabo dadka ku xasuuqay, ilaa iyo hataana kama damqan shacabka Isbitaalada Kismaayo ku dar-xumaysan. tani waxay caddayn u tahay in uu xasuuqa raali ka yahay, xuquuq aadane wax dan ah ka lahayn‘‘, ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Nabigeenu wuxuu yiri “Haddii aadan xishoonaynin waxaa doonto fal” ayuu hadalkiisa ku soo xiray Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

1 COMMENT

  1. Waa dhaqankoodi, iidoor markey nin daarooda meel ku arkaan madaxahaanirey, in ay in ay been iyo wuu na xasuuqay, afka u furtaa, waana iyaga waxa dadkii kale ee woqooyi degenaa xasuuqay, shaqaalihii dowlada laayey markii ay soo galeen Goboladaas, dhib aan laga sheeken karin ayey geysteen, walina waxay leeyihiin waa nala xasuuqay, Farmajio xaq buu u leeyahay, in uu arko dadkiisa, waana isla sawiri karaa, waxaasi dadkaas waa cuqdad ku jirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here