XOG: Waa kuma Sarkaalka Al-Shabaabka ah oo ay booliska Kenya ka baadi-goobayaan Nairobi? +Magaciisa

0
Ciise Tarabuun
Ciise Tarabuun

Nairobi (Halqaran.com) – Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in ay baadi goobayaan muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdiwaaxid Khaliif Cabdi oo loo yaqaanno Ciise Tarabuun.

Booliska Kenya ayaa Sheegay in la rumeysan yahay in Cabdiwaaxid uu 24-kii bishan ka dagay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

Magaca shakhsigan ay baadi-goobayaan booliska Kenya ayaa ah magaca madaxii Amniyaadka Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Banaadir, kaas oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay in ay gacanta ku soo dhigeen laba sano ka hor.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale oo bishii Juun 2017-kii ka hadlayay qabashada madaxii Amniyaadka Al-Shabaab ee gobolka Banaadir Cabdiwaaxid Khaliif ayaa sheegay in ay ciidamada ammaanka guulweyn u tahay soo qabashada eedeysanahan la tuhunsan yahay in uu ururka al-Shabaab u qaabilsanaa madax jabiska.

Booliska Kenya ayaa shacabka dalkaasi ugu baaqay in ciddii aragta ama wax xog ah ka heysa Cabdiwaaxid ay booliska la soo xiriiraan.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali wax war ah ka soo saarin muwaadinkan laga baadi-goobayo Nairobi, maadaama magaca muwaadinku yahay isla magacii ay Dowladdu sheegtay in ay soo qabatay laba sanadood ka hor.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here