Hargeysa (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inay Wafdi u diri doonaan Caleemo saarka Madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Madoobe oo Dood ay ka taagan tahay.
Mar la waydiiyey inay ku Milmayaan Arrimaha Siyaasadda ee Soomaaliya ayuu sheegay inay Halkaasi ka soo iibin doonaan Qadiyadda Somaliland.
Sidoo kale, wuxuu xusay inay tagi doonaan Koonfur Galbeed , Muqdisho iyo Hirshabeelle.
Caleemo saarkii la doonayey inuu Qabsado Madaxwaynaha Jubbaland ayaa dib u dhacay kadib Culays uga yimid dhinaca Dawladda Federaalka Soomaaliya, oo Sharci darro ku tilmaantay Doorashadaasi.
Boqor Buurmadow ayaa Horay loogu xiray Munaasibad uu Puntland uga Qayb galay, Sidoo kale waxaa jirta dad lagu xidhay inay Muqdisho tageen ama Sawir la soo galeen madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Farmaajo, Balse Masuuliyiinta Xisbiyada iyo Xukuumadda Somaliland ayaan Sharcigaasi qaban inta badan.
→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
UPDATE: Al-Shabaab: 100 askari ayaan ku Dilnay weerarkii Balli-doogle
WAR CUSUB: Maxaa ka jira in Xaaf uu ka baxay heshiisyadii uu la galay DF Somaliya?
AKHRI: Mareykanka oo war ka soo saaray weerarkii Garoonka Balli-doogle + XOG CUSUB
UPDATE: Faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan weerarkii lagu qaaday Garoonka Balli-doogle
Xafiiska Halqaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com