DAAWO SAWIRRO: Faah-faahin iyo wararkii ugu dambeeyay ciidamadii Talyaaniga ee lagu qarxiyay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxay faah faahin ka soo baxeysaa khasaaraha ka dhashay weerar maanta lagu qaaday kolonyo ay la socdeen Ciidamada Militariga Talyaaniga, xilli ay marayeen Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

Weerarkan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga buuxiyay ayaa lagu dhuftay mid ka mid ah kolonyadaasi, iyadoo uu qaraxaasi burbur soo gaarsiiyay gaarigii lala beegsaday.

Wararka ayaa sheegaya in weerarkaasi uu burbur ka soo gaaray mid ka mid ah kolonyadii ay la socdeen Militariga Talyaaniga.

Goobjoogeyaal ayaa mareegta Halqaran.com u sheegay  in qaraxaasi uu sababay dhimashada laba qof oo rayid ah iyo dhaawaca laba kale, sidoo kalena uu jiro burbur uu soo gaarsiiyay goobo ganacsi oo halkaasi ku yaala.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa ku dhow suuq xoolaha lagu iibiyo, markii uu qaraxu dhacaayay mashquul ayaa halkaasi ka jiray, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadkii halkaasi ku sugnaa.

Sidoo kale, wasaaradda difaaca Talyaaniga ayaa xaqiijisay in la weeraray kolonyo ay leeyihiin Militariga Talyaaniga ee ku sugan Magaalada Muqdisho, waxayna sheegtay inaanu jirin wax khasaaro ah oo weerarkaasi ka soo gaaray ciidamadooda.

Weerarkan ayaa waxaa masuuliyadiisa sheegtay maleeshiyada Ururka Al Shabaab, oo dagaal kula jira Dowladda Federaalka Somaliya iyo dhinacyada kale ee dagaalka ku taageeraya.

Si kastaba waxay aheyd, bishii October ee sanadkii hore markii Wadada Warshadaha lagu weeraray kolonyo ay la socdeen Militariga Talyaaniga, oo qayb ka ah hawlgalka Midowga Yurub ee lagu tababaro Ciidamada Dowladda Somaliya.

A member of the Italian military stands next to a damaged armored personnel carrier after an attack on a European Union military convoy in the capital Mogadishu, Somalia Monday, Sept. 30, 2019. A Somali police officer says a suicide car bomber has targeted a European Union military convoy carrying Italian military trainers in the Somali capital Monday. (AP Photo/Farah Abdi Warsameh)

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *