XOG CUSUB: Maxay DF Somaliya ka tiri arrinta Ciise Tarabuun oo ay Kenya baadi-goobeyso?

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka  Soomaaliya ayaa ka hadashay warka Kenya kasoo baxay ee ku aadan in dalkeeda uu soo galay Madaxii Amniyaadka Maleeshiyaadka Al-shabaab, Ciise Tarabuun.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciise Tarabuun uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo dhammeystay xabsi lagu xukumay.

Wasiir ku xigeenka Warfaanta ayaa qoraalka xukuumadda ku sheegay in eedeyntii argagixisenimo ee Ciise Tarabuun ay dacwadiisa qaaday Maxkamadda ciidamada qalaka sida, kadibna lagu xukumay 2 sano oo xabsi ah oo uu dhammeystay, haddana uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo maray xukun ciqaabeed ay Maxkamad milateri ku xukuntay.

“Cabdiwaaxid,  ayaa  markii  uu  dhammeystay  xabsigii  ay  maxkamadda military-gu  ku  xukuntay  la  sii  daayay  sida  sharcigu  qabo.  Waxaana  sii dayntiisa  in  muddo  ah  kadib  lala  socday   dhaq  dhaqaaqiisa  iyo  xaaladaha.” ayuu  yiri  Ku  simaha  Wasiirka  Ahna  Wasiirku  Xigeenka  Wasaaradda Warfaafinta, Mudane Aden Isaaq.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay si cad u muujinaysaa in  Cabdiwaaxid uu yahay muwaadin maray xukun ciqaabeed xabsi labo sano ah.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here