DAAWO VIDEO: Jabuuti oo jawaab kulul siisay Feysal Cali Waraabe una hanjabtay

0

Hargeysa (Halqaran.com) – Wakiilka Jabuuti u fadhiya magaalada Hargeysa ayaa jawaab kulul ka bixiyey Hadalo Isniintii shalay kasoo yeedhay Feysal Cali Waraabe, oo eedaymo u jeediyey Madaxwaynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

“Waxaan ka jawaabayaa Hadalo Anshax xun, oo kasoo yeedhay Feysal Cali Waraabe, waxaan leeyahay Dawladda Jabuuti waxay wax ka dhaxeeyaan Madaxwaynaha iyo Shacabka Somaliland”.

Wuxuu sidoo kale hadalkiisa raaciyay Wakiilka Jabuuti ee Hargeysa, ‚‘‘Anigoo ku hadlaya magaca Jabuuti Hadalka Foosha Xun ee Ninkaasi ku hadlay waxaan ka leenahay, Xisbi lama sheekaysano, Meel uu kasoo galo Sheekada Jabuut iyo Somaliland ma jirto”.

Wakiilka Jabuuti u fadhiya magaalada Hargeysa ayaa ugu dambeyn yiri, ‚‘‘Waxaan leeyahay Feysal Waraabe, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle waa madaxwaynaha Soomaali meelkasta oo ay joogto, uma Dulqaadan doono Aflagaada, waxaan jawaab ka sugaynaa Somaliland, Haddii aad Asluubtaada haggaajin waydo waan iska kaa celin doonaa‘‘.

https://youtu.be/vxUtfKH4RA4

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmaila.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here