Wararka Maanta XULKA IYO MUUQAALLO

DHAGEYSO: Maxaad ka ogtahay Sababta rasmiga ah ee Puntland u qaadacday Shirka maanta ka furmay Muqdisho? +XOG CUSUB

Garowe (Halqaran.com) – Maamulka Puntland ayaa qaadacay Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo maanta si rasmi ah uga furmi doona Magaalada Muqdisho, waxaana ka qayb galaya illaa 50 Dowladood oo taagera dowladda Federalka Somaliya.

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa casuumaad u dirtay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Dani, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland uu qaadacay ka qayb galka Shirkaasi.

Madaxweynaha Puntland ayaa soo bandhigay Shuruud ah haddii uu Shirkaasi ka qayb galaayo in la casuumo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dowladda Federalka Somaliya aysan aqoonsaneyn.

Dowladda Soomaaliya ayaanan aqoonsaneyn doorashadii lagu doortay Madaxweynaha Jubbaland, sidaasi awgeed waxa ay ka caga jiiday dowladda inay casuunto Madaxweynaha Maamulkaasi si uu uga qayb galo Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya.

Maamul Goboledyada illaa hadda la ogyahay ee Shirka maanta ka qayb galaya ayaa kala ah Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Waxaa madasha ka maqnaan doona Maamulada Jubbaland iyo Puntland oo Khilaaf kala dhaxeeya dowladda Federalka Somaliya awgeed uga maqnaan doona Shirkaasi.

Sida muuqata dowladda Federalka Soomaaliya ayaa waqtiga ugu badan ee juhdi ah ku bixisay dagaal ay la gasho Maamul Goboledyada dalka ka jira, taasi oo illaa hadda dowladda aysan ka gaarin guulo muuqda.

Halkan ka dhageyso wareysi xiiso leh:

Xafiiska Halqaran.com, Garowe
Halqarannews@gmail.com

<

Post Comment