Maxaa kala socotaa in Villa Somaliya ay abaabuleyso banaanbax lagu sumcad dilayo Xasan Sheekh & Sheekh Shariif?

1

Muqdisho (Halqaran.com) – Xog ay helayso mareegta Halqaran.com, ayaa sheegaya, in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay abaabuleyso dibad bax looga soo horjeedo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Xoogaga wadniyiinta, Ururada Haweynka iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa lagu war-geliyay inay diyaariyaan shacab banaabax sameeya, kuwaas oo loo dhiibayo boorar ay ku qoran yihiin erayo lagu sumacad dilayo madaxdii hore ee qaranka oo beryahaan warbaahinta la taagnaa dhaliilo ka dhan ah madaxda dowladda Soomaaliya.

Maalinta berri ah ayaa la qaban qaabinayaa in banaabaxaas uu Muqdisho ka dhaco shacabkana ay la hadlaan hoggaamiyaal bulsho kuwa diimeed iyo kuwa dhaqan oo dowladda taageersan.

Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



W

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in banaabaxa inta uu socdo jidadka loo xerayo dibad baxayaasha si farriintooda ay u noqoto mid gaarta meesha loo dan leeyahay, oo aanay u dhalan carqalad amni oo baajisa.

Horay waxaa u jiray warar sheegayay in madaxweynayaashii hore ee dalka soo maray ay dhankooda qaban qaabinayeen dibad bax ka dhan ah Dolwadda Federaalka Soomaaliya oo ka dhaca magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

1 COMMENT

  1. War intaas in ay dhaamaan baa la moodayey, war Lbadaan nin ee la soo arkay waxqabadkoodii, iyo dhib dhinac kasta ah waxa ay geysteen, miyaaney lahay dad siyaasiyiin ah ee qabta, war bur bur iyo 90kii ayey inaku celinayaan walaahi, war maxay rabaan, chanes koodii wey soo qaateen, hadey xisbiya furteen , ha sugaan doorashada ,dadkaan hadii la iska qaban waayo, walaahi meel fog ayey gaareysaa arrinta Somaliya, war Xasan waa la ogyahay meesha uu Somali gaarsiiyey, iyo in uu Calankii Gabre u dhiibey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here