WAR CUSUB: Axmed Madoobe oo Jawaab adag ka bixiyay Natiijadii ka soo baxday Shirkii Iskaashiga ee Muqdisho

0
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleeda Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in hannaanka siyaasadda loo dhan yahay aanay xilligan dalka ka jirin, wixii ka soo baxa shirkii Madasha Iskaashiga Islaamka aanay anfaceyn dadka Soomaaliyeed, loona baahan yahay in arrimaha masiiriga ah heshiis laga gaaro sida Doorashooyinka iyo dhameystirka dastuurka.

Axmed Madoobe wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ku qanacsaneyn in lagu kala baxo dastuurka, islamarkaana wax kasta ay ku dooneyso maquunis iyo xoog, wuxuuna hoosta ka xariiqay in arrintaasi xilligan Soomaaliya ka soconeyn.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa xusay inaysan suurta gal aheyn cafinta deymaha lagu leeyahay Soomaaliya inta ay Dowladda Soomaaliya ku tumaneyso Sharciga iyo Dastuurka dalka u yaalo sida uu hadalka u dhigay.

Wakiilada Beesha Caalamka ee ka hadlayay shirkii lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho ayaa ku celcelinayay qodobka siyaasadda loo dhan yahay oo laga dalbaday dowladda Federaalka in la timaado hannaan siyaasadeed oo heshiis lagu yahay, si xal loogu helo khilaafyada siyaasadeed ee dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Safiirka Mareykanka ee Somalia Donald Yamamoto ayaa khudbad uu ka jeediyey, wuxuuna ku soo qaaday in Maraykanka diyaar la yahay taageerada dowladda Soomaaliya, balse loo baahan yahay midnimo siyaasadeed iyo wadashaqeyn dhex martay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka.

Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Wakiilka Xoghayaha gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador James Swan oo khudbad ka jeediyay Shirka Caalamiga ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa ku baaqay in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka ka dhexeeya Dowlada Federalka iyo Maamul Goboleedka Jubbaland.

DF Soomaaliya ayaa dagaal adag la gashay qaar ka mid ah maamul goboleedyada oo iyagu ka horyimid rabitaanka Madaxda Villa Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here