Nairobi (Halqaran.com) – Guddiga anshaxa, la-dagaalanka iyo ka hortaga musuq-maasuqa Kenya ayaa sheegay in 10 xildhibaan oo Soomaalida Kenya u badan oo haystaa baasaboorada dalalka kale ay xilalkooda weyn doonaan.
Mudanayaashan ayaa waxaa ka mid ah Aadan Barre Ducaale, Yuusuf Xasan Cabdi, Safiya Sheekh Aadan, Aadan Xaaji Cali, Maxamed Gaarane, Maxamed Daahiye iyo kuwa kale.
Hay’ada ayaa sheegtey inay baaritaan ku hayso xildhibaanada islamarkaana ay waayi-doonaan xilalkooda haddii lagu soo caddeeyo inay dalal kale dhalasho ka haystaan.
Xildhibaanadan ayaa beeniyey eedeymaha loo soo jeediyey, islamarkaana aysan dhalasho ka haysan dal kale.
Ducaale wuxuu sheegay in ay shirqool u dhigayaan dad uu ku tilmaamay “kuwo iska dhigaya in ay shaqo hayaan, dadka kalena ku mashquulsan”.
→ Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
- DHAGEYSO: Dowladda Soomaaliya oo ka hortimid in dib loo dhigo markale Kiiska dhageysiga dacwadda Badda
- DAAWO SAWIRRO: Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo gaaray dalka Jarmalka +Ujeedka
- DHAGEYSO: Soomaaliya oo ka mid noqoneysa dhismaha Booliska Afrika, waa halkee xaruntooda?
- Duqa Muqdisho Cumar Filish ”Xilalka DF Somaliya waxaa lagu salaxay Ciyaalka Xaafadda”
- Maxay tahay sababta ay Maxkamadda ICJ ugu yeertay Soomaaliya iyo Kenya? (Maxaa cusub)?
Hadalkan Ducaale wuxuu imaanayaa ka dib markii Guddiga ladagaallanka Musuqmaasuqa ee Kenya ee EACC, uu billaabay baaritaan la xiriira madaxda dowladda ee haysta dhalashada dalal kale, taas oo khilaafsan Xeerka Hoggaanminta iyo Daacadnimada ee Kenya.
Madaxa Fulinta ee Guddiga EACC, Twalib Mbarak wuxuu sheegay in guddiga uu qaadi doono tallaabo, sida xil ka qaadis lagu sameeyo dadkaas, haddii dembiga lagu helo.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com