WAR CUSUB: Madaxweynaha Jubbaland oo dowladda Somaliya ku eedeyay inay kicineyso beelaha dega Jubbaland

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay baal martay sharciga,islamarkaana iska horkeeneyso Beelaha dega deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo,wuxuuna wacad ku maray in Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dhaxli doonto natiijo aan wanaagsaneyn.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xayiraad dhanka socdaalka ah saartay Maamulka Jubbaland ka dib markii loo diiday diyaaradaha taga magaaladaasi.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee culeyska siyaasadeed kala kulmaya siyaasiyiinta Mucaaradka ah ayaa wada qorshe ay kaga hortagayaan dhaliisha kaga imaaneysa madaxweynayaashii hore.

Siyaasiyiin ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo sheegay in madaxweyne Farmaajo uu wado qorshe Odayaasha Beesha Mudulood loogu kicinayo madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud iyo Sheikh Shariif Sheikh Axmed.

Qaar ka mid ah Odayaasha Beesha Mudulood oo ku dhow Madaxtooyada ayaa lagu wadaa in howshan loo xil saaro si ay Dowladda uga difaacaan caqanadaha kaga imaan kara mucaaradka.

Imaam Maxamed Yuusuf oo ka mid ah duubabka dhaqan ee Beesha Mudulood oo dhawaan la hadlay warbaahinta ayaa ka digay in Muqdisho laga dhigo banaanbax ka dhan ah Dowladda Federaalka Soomaaliya,isagoona luqad adag kula hadlay mucaaradka Dowladda.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo oo muddo xileedkeeda uu ka harsan yahay sanad iyo afar bilood ayaa wajaheysa cadaadis uga imaanaya axsaabta siyaasadda iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka, waxaana dalka xilligan wajahayaa xaaladdii siyaasadeed ugu xoogganeyd.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here