XOG XASAASI: Xisbiga uu hoggaamiyo Sheekh Shariif oo dacwad halis ah ka gudbiyay dowladda Farmaajo (Maxa cusub?)

Muqdisho (Halqaran.com) – Xisbiga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay inay dacwad ka dhan ah Xukuumadda Soomaaliya u gudbiyeen maxkamadda Sare ee dalka.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta Xisbiga Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Himilo Qaran Senator Ilyaas Cali Xasan ayaa sheegay in gal dacwadeed ka dhan ah Xukuumadda ay u gudbiyeen Maxkamadda sare oo ku saabsan tallaabadii dhowaan lagu xayiray Sheekh Shariif, xilli uu ku sii jeeday Kismaayo.

Waxaa uu sheegay in tallaabadii lagu xayiray Sheekh Shariif ay aheyd mid sharci darro ah, sidaas darteed Maxkamadda sare ka gudbiyeen dacwad ka dhan ah Xukuumadda.

Tallaabadii todobaad ka hor lagu xayiray Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa ka dhalatay xaalad siyaasadeed oo keentay in Xisbiyada siyaasadda ay ku dhawaaqaan isbaheysi.

Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa horay u soo saartay amar ah in dhammaan duulimaadyada tagaya Magaalada Kismayo ay 24 saac ka hor duulimaadka fasax soo weydiistaan hey’adda duulista rayidka ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Ugu dambeyn, tallaabada lagu joojiyay Sheekh Shariif ayaa la aaminsan yahay inay qeyb ka tahay cadaadiska dowladda ay ku saareyso maamulka Jubaland oo ay sheegtay in aysan aqoonsaneyn dhammaan doorashooyinkii ka dhacay Magaalada Kismayo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here