DAAWO SAWIRRO: Maxaa ka soo baxay kulankii dhexmaray Wasiir Beyle iyo Duqa Muqdisho Cumar Filish?

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Maaliyadda Somaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish), waxaana Duqa Muqdisho kulankan ku wehlinayay Kuxigeenkiisa Arrimaha Maaliyadda, Ibraahim Cumar Mahadale (Ibraahim Dheere).

Wasiirka Maaliyadda Somaliya ayaa sheegay in Duqa Muqdisho waxa ay ka wada hadleen ay ugu muhiimsan tahay dardargelinta hawlaha lagu kobcinayo dakhliga dalka iyo sare u qaadista kaabayaasha dhaqaalaha.

“Arimaha ugu muhiimsan ee aan ka wada hadlay waxaa ka mid ahaa wada shaqeynta iyo dardargelinta hawlaha lagu kobcinayo dakhliga dalka.” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Somaliya.

Wasiir Beyle ayaa waxaa uu ka dhawaajiyay in dhammaantood ay ka go’an tahay in si wadajira uga wada shaqeeyan horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Duqa Magaalada Muqdisho oo dhankiisa ka hadlay kulanka ayaa yiri “Waxaan maanta Xarunta Wasaaradda Maaliyadda kulan muuhiim ah kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada DFS, C/raxmaan Ducaale Bayle. Waxaan ka wada hadlnay wada shaqaynta iyo dardargelinta hawlaha kor loogu qaadayo dakhliga dalka, waxaa naga go’an in aan si isu duubni ah uga shaqayno horumarka dalka.”

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here